Maxay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ka Yidhaahdeen Heshiiskii Dhex Maray Gudoomiyaha Iyo Ku Xigeenkiisa Koowaad

Hargeysa(GNN):-xildhibaanada golaha wakiilada somaliland hortooda ayey maanta isku gacan qaadeen shirgudoonka golaha wakiilada ee gacantu soo kala gaadhay.

Gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada oo gacan ka hadal ku dhex maray fadhiyadii ugu danbeeyey ee golahaasi ayaa bulshada somaliland iyo xildhibaanadaba ka raali galiyey gacan ka hadalkii dhex maray, waxaanay sheegeen inay khilaafkooda iyagu dhamaysteen.

Hadaba xildhibaanada golaha wakiilada oo ka hadlay warbaahinta ayaa dareenkooda ka dhiibtay sida ay u arkaan inay shir gudoonka golahoodu soo dhamaysto khilaafkii dhex yaalay.

Xildhibaan Baar Siciid oo ah xildhibaanka kaliya ee dumar ah ee ku jirta golaha wakiilada oo dareenkeeda ka hadashay ayaa soo dhawaysay waxaanay tidhi “Si wanaagsan ayaan u arkaa aadna waan ugu faraxsanahay waana sidii loo baahnaa, golaha wakiiladu waxa uu ka kooban yahay 82 xildhibaan waxaana is dilay laba ka mid ah inta kalana ismay dilin xaqiiqdii, khilaafkaasna waxa lagu dhameeyey si wanaagsan oo kalsooniya waanan ku hanbalyeynayaa shir gudoonka inay dhamaysteen khilaafkooda iyaga oo aan cid kale soo dhex galin.”

xildhibano(1).jpg

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa isaguna dhinaciisa ka hadlay sida uu arko in shir gudoonka golahoodu dhamaysto khilaafkii u dhaxeeyey waxaanu yidhi “Waxaan soo dhawaynaynaa shirgudoonka sharafta leh ee iyagu gudahooda dhamaystay golihiina waad arkayseen oo wuu aqbalay waxaanan rajaynayaa in shacabka somaliland laftirkooduna in dhacdadaas halkaas lagu ilaawo iyaguna sidaas ku aqbalaan waji cusub iyo gole cusub iyo sala calee shir gudoon tawfiiq leh oo wanaagsan oo aan wax danbe isku qab qaban ayaan ilaahay ka baryeynaa”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) ayaa isaguna dhinaciisa ka hadlay khilaafka la soo af jaray waxaanu yidhi “Waxaan aragnaa khilaafka ay soo dhameeyeen waanan ugu ducaynaynaa iyaga oo aan cidina dhex galin ayey soo heshiiyeen, waana wixii laynagu yaqaanay waanan ugu ducaynaynaa golihiina khilaafkii ayey ka saareen marka aanu soo noqona caadi ayaanu shaqayn doonaa.”

Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyey khilaafkan shirgudoonka ee ay dhamaysteen waxaanu yidhi “Ceebtii dhacday waanu wada qabnay gaar ahaana shir gudoonku qabeen haddii ay iyada oo aan cidina dhex gelin iyagii ka soo heshiiyeen oo ay meel isla soo dhigeen golihii iyo dadkii reer somaliland-na raali geliyeen wax aad loogu diirsado weeyaan, waxaanan ilaahay ka rajaynaynaa inaanu mar labaad hawshadayadii si wada jir ah anaga oo midaysan u wadano.”

Xildhibaan Xaamud ayaa isaguna dhinaciisa kaga dareen celiyey “Waa ficiltan siyaasadeed waanan jecelahay sidaas ay sheegeen iyada oo aan cidina u garnaqin inay iyagu garteen ay nah or yimaadeen iyaga oo isa soo saamaxay, shacabka somaliland iyo golahana ay raali gelin siiyen.”
Gabiley.Net
Gabiley Office