Maxkamada Gobolka Hargaysa Oo Haween Iyo Rag Maan-Dooriye Lagu Qabtay Ku Riday Xukun Aan iib lahayn.

Hargaysa(GNN)Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargaysa Axmed Dalmar ismaaciil ayaa ka hadlay Maan-dooriyayaal Kala Gadisan oo Lagu Qabtay Rag iyo Dumar ka Ganac sanayay Kuwaas oo Lagu Xukumay Xabsi Dhan Saddex Sanno ilaa Shan Sano oo Xadhig Ah.

Mukhaadaraadka La qabtay ayaa ka Koobnaa,Xashiida,Khamri iyo Xabag kuwaas oo Sifooyin kala Gadisan Dalka lagu soo galiyay waxaana uu Guddoomiyahu ku Han-jabay in Qofkasta oo lagu Qabto Sharciga Lala Tiigsan Doono,Abaalna Looga Dhigi Doono Xadhig Dheer.

Eedaysanayaasha La Xukumay Ayaa Tiradoodu Dhan tahay 4 Danbiile kuwaas oo Lab aka Mid Ahi yihiin dumar xashiishad lagu qabtay,halka kuwa kale xabag iyo khamri ay ka ganacsanayeen lagu qabtay,xadhiga lagu xukumay ayaan iib lahaydn ama saamaxaad sida uu cadeeyay guddoomiyahu waxaana uu yidhi.

“waxaan Maanta halkan ku soo bandhignay Xashiishad lagu qabtay eedaysanayaal Kala Duwan oo La xukumay,tirada Maan-dooriyaha aanu baabiinaynaa waxa ay dhan yihiin 120 Xabo oo u samaysan Qaabka Mijaha ama Qaadka oo kalaa,Laba iyo Toddobaatan ka mid ah waxa lagu qabtay laba Eedaysane,taas oonu ku xukunay shan sano iyo Shan Milyan,gaadhigii wadayna waanu ganaaxnay Boqolkiiba Shan Markaanu eegnay Qiimihiisa.

Intaas waxa uu ku daray Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka oo Xukunkan ku Fuliyay eeday sanayaasha lagu qabtay Maan-dooriyaha ee Sida Sharciga Baalmarsan Kootarabaanka ku Soo galiyay waxaana uu yidhi.

“Halkan Iyana waxaanu ku baabiinaynaa Khamri dhan shan iyo labaatan litir oo khamri ah taas oo Iyana lagu qabtay hal eedaysane oo lagu xukumay Saddex sano iyo Saddex milyan,waxa kale oonu baabiinaynaa xabag la shushubayay oo lagu qabtay hal eedaysane oo ka ganacsanayay,waxaanu isna ku xukunay Saddex sano iyo Saddex milyan oo gaxaan lacageed ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qofkasta oo lagu qabto waxa Somaliland ka Mamnuuc ah sharciga lala Tiigsan Doono Abaalna looga Dhigi Doono wixii ay mutaysteen ayaa ka shekeeyay Maan-dooriye kale oo Isna ay baabiiyeen iyo Eedaysanayaal Dumur ah oo lagu qabtay waxaana uu yidhi.

“Halkan waxaanu ku gubaynaa 20 Xabo oo Xashiishad ah taas oo lagu qabtay Laba Dumar ah oo ka Ganac sanayay,taas oo Iyana lagu xukumay Saddex sano iyo Saddex milyan oo ganaax ah,waxaan halkan ku amrayaa in dhamaan La baabiiyo waxaas Maan-dooriyaha ah ee la qabtay,lana gubo,Ciidan Shaqadooda gudanaya aad ayaanu ugu mahad naqaynaa ee Khamriga iyo Wax kasta oo Danbi ah ilaalinaya.

Geesta kale waxa uu digniin u diray Shaqsiyaadka caadaystay in ay iibiyaan iyo kuwa Ka iibsada isaga oo tusaale ugu soo qaatay in Sidaas loo abaal mari Doono Qofkasta oo Maan-dooriye lagu qabto waxaana uu yidhi.

“dadwaynaha Waxaan leeyahay Khamriga,Xashiida iyo Xabagtu Saddexduba waa Danbiyo waawayn oo Qofka Dhalan Rogaya,waxaana ay Ku galayaan Xadhig Ciqaabeed Gaadhaya Qofka Lagu qabtaa Shan milyan iyo Shan Sano oo Ganaax Ah oon iib lahayn Saamaxaadna lahayn,markaas sidaas naftaad iyo mustaqbalkaaga haku waayin,miridho iyo Sikino mukhaadaraad aad Cabto iyo wax yar oo Caantayn Ah.

Gabiley.Net
Gabiley Office