Milicsiga Warqad Taariikhiya Oo Afar Bilood Ka Hor Ay Ardayda Dugsiga Sarre Quule Aadan Dool U Direen Madaxwaynaha Somaliland

Hargaysa(GNN):-Akhriste iyadoo dugsiga sarre ee Quule Aadan Dool ku jiro debaal-dega guushii ay ka soo hooyeen Imtixaannaadkii shahaadiga ahaa ee Somaliland, ayaannu idinla jeclaanay inaannu idin soo gudbino farriin taariikhiya oo Guddida waxbarashada ee dugsigaasi u direen Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, taasoo ku taariikhaysnayd 6/4/2015, maalintaas oo ah aasaaskii ururkii SNM.

Waxay Warqaddaas isla toddobaddii april u gudbiyeen Marwadda madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde oo ay ka codsadeen inay fariintaas ka gaadh-siiso Madaxweynaha Somaliland, oo ay ugu sheegayeen inay dugsiga sarre ee Quule Aadan Dool ka go’an tahay inay dedaalkoodda kaga mid noqdaan kaalmaha ugu sarreeya Imtixaannaadka Somaliland, balse waxa ay sheegeen inay

dugsi

yoolkooddaa caqabad ku tahay buugaag la’aan haysata, isla markaanna waxa ay Madaxweynaha ka dalbaddeen inuu ka taageero Buugaagta ay u baahan yihiin iyo goob ay wax ku akhristaan, maaddaama oo ay tahay markii koowaad ee ay u fadhiisanayaan Imtixaannaadka Shahaadiga ah.
Qoraalkaas oo aad u xiiso badan, unna rumoobay inay xaqiijiyaan yoolkaas ay lahaayeen, iyaddoo aad akhriste la socotid in dugsiga sarre ee Quulle Aadan Dool uu ku guulaystay shan kaalmood oo ka mid ah kaalmaha dugsiyadda dawliga ah.

Qoraalkaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
DUGSIGA SARE EE QUULLE AADAN DOOL

Taariikh: April 6, 2015Ku :

Madaxweynaha JSL, Muj. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Og : Wasiirka Wasaarada Waxbarashada & T/Sare

UJEEDDO: CODSI LIBRARY IYO BUUGAAG

Mudane Madaxweyne,munaasibadda 6da April ee xuska 31 guurada aasaaskii Ururkii dib u xoreynta qaran ee SNM awgeed, waxaannu kugu bogaadinaynaa dedaalka baaxadda leh ee aad ugu jirtid horumarinta guud ee qaranka Somaliland iyo laba daraale horumarinta Waxbarashada Somaliland,annaga oo rejaynayna in jiilashadambe u aayidoonaan midhaha dedaalladaada ummadeed iyo hoggaamintaada wax ku oolka ah labadaba.

Mudane Madaxweyne, waxaannu mar kale kugu hambalyaynaynaa aasaaskii dugsiga sare ee Quulle Aadan Dool oo ay isku mar dhasheen xukuumaddaada, islamarkaana ay dhagax dhigtay Marwo Samsam Cabdi Aadan sannadkii 2010, furmayna sannad-dugsiyeedkii 2010-2011. Waxa noo sharaf ah in xukuumadda aad gadhwadeenka katahay iyo dugsiga Quulle wadaagaan duruufo dhawr ah oo ah horumar iyo guulo la taaban karo.Muddada uu dugsigu jiray waxa ay xukuumaddaadu u suurto galisay dhismaha 13 fasal iyo Laab Saynis, taa oo aannu mahadnaq iyo bogaadinba idiinku haynno.Bisha Juun 2015 ayaa lodkii ugu horreeyay ee fasalka afaraad ka qalinjebinayaan dugsiga Quulle Aadan.

Mudane Madaxweyne, hiigsiga ardayda Quulle waa in aannu dedaalkayaga kaga mid noqonno ardayda ugu sarraysa ee imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Somaliland.Nasiib darro se, si aannu u xaqiijinno yoolkaa ma haysanno buugaagtii aannu waxka akhrisan lahayn iyo Laybareerigii aannu wax ku akhrisan lahayn labadaba.Taasina waxay la mid ah tahay askari dagaal galaya oo bilaa rasaas ah.

Sidaas darteed, Mudane Madaxweyne, haddii aannu nahay dugsiga sare ee Quulle Aadan, waxaannu si xushmad iyo qaddarin badani ku dheehan tahay kaaga codsanayaa inaad noogu deeqdo buugaagta fasallada dugsiga sare oo daabacan (Text Books) iyo dhismaha Laybareeri aannu wax ku akhrisanno.

Waxaannu rejaynaynnaa inaad codsigayaga naga aqbali doontid maadaama ardayga fasalka 4aad ee Quulle Aadan uu baahi weyn u qabo buugaag daabacan, awood dhaqaale oo uu ku iibsadana aanu haynin, imtixaannadii shahaadiga ahaana kaabiga inoo soo saaran yihiin.

Ugu dambayn, Mudane Madaxweyne, Ilaahay ha kugu guuleeyo halganka ummadeena aad u taagan tahay mar kasta, waxaanannu kuu ballan qaadaynaa inaannu garabkaaga taagan nahay ,hiiliyo,hoo ,meelkasta iyo mar kasta.

Guddida Waxbarashada ee Dugsiga sare ee Quulle Aadan

1. Khaalid Jibriil Aadan Guddoomiye

2. Fahmi C/rashiid Cismaan G/Ku-xigeen

3. Layla Kayse Maxamed Xoghaye

4. Ayaan Xuseen Xasan Khasnaji

5. Khaalid Maxamed Xasan Xubin

6. Farxaan C/kariim C/laahi Xubin

7. Deeq Maxamed Cabdi Xubin

8. Axmed Max’ed Cabdi Xubin

9. Shabcaan Cabdi Cabdillaahi Xubin

10. Tayasiir Siciid Samatar Xubin

Guul iyo Gobannimo.

Gabiley.Net

Gabiley office