Mujaahid Cali Guray Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad Ee Golaha Wakiilada Somaliland

Hargeisa-(GNN)-Guddoomiye ku-xigeenka Seddexaad, ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Muj Cali Yusuf (Cali Guray), ayaa jawaa kulul ka bixiyay haddal maanta ka soo yeedhay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Mr Baashe, kaas oo uu ku weeraray sumcada Mujaahid Cali Guray, sidaana waxa uu ku sheegay war qoraal ah oo uu faafiyay barta uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee facebook-ga. Qoraalkiisaas oo dhamaystiraninna waxa u dhignnaa sidatan:-

”QOSOL MA U BANAAN YAHAY AFKUU QARIYO MOOYAANE? Nin baa yidhi”waar maanigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?”. Hadii miyir qabku yahay wixii aynu wada arkaynay ee Guddoomiye xigeenku ka sameeyay.
ama ka sameeba la yidhi Fadhigii Golaha Wakiilada, anniga ayaa waalan hadii kale isagaa waalan oo weliba ay waalidiisu tahay ta loo yaqaan WAALI-NACAS. Waxa lagu gartaa hadalkiisa ka madhan xikmadda oo waxa lagu sifeeyaa DHATAQLE yacnii hadalkiisa ayaa bilaa nuxur ah sida Baashe. Dhanka kale, Cali Guray ayaa ku sifeeyey Baashe in maskaxdiisa lala maamulo isagoo u soo qaatay Gabay uu tiriyey AHN Abwaan Marxuum Ibraahin Gadhle . AHN eh Ibraahim Gadhle waxa laga hayaa: MASKAXDAADU YAY NOQON MAQAL LAGULA LEEYAHAY OO TOBAN MUFTAAX IYO MUSBAAR WALIBA UU FURO Qofka haduu hadlo kaskiisa hadla ee carabkiisa iyo calooshiisu is leeyihiin iyo ka maskaxdiisa cid kale wax ku shubato een kaskiisaba hadal, lakiin wixii dheh la yidhaana odhanaya wixii samee la yidhaana sameeynaya bal idinkuba qiyaasoo keeba waalan? Nebi Muxamed NNKH eh wuxu inoo sheegay ” INNA LIKULI SHAYI’N AALAH WA AALATUL BASHAR AL CAQIL” oo ah wax kastaa aalad buu leeyahay aaladda basharkuna waa caqliga. Hadaba caqligu wuxu ka mid yahay nimcooyinka Ilaahay inagu manaystay ee maalinta qiyaame uu ina waydiinayo ama inagala xisaabtamayo sida uu Quranka kariimka ah inoogu sheegay ” wa latusalunna yooma idin cani naciim” ayuu Muj Cali Guray, ku soo gebagabeeyay qoraalkiisan.
Gabiley.Net
Gabiley Office