“Puntland Faraha Hakala Baxdo Dagaalka Ay Ka Wado Qorilay,Dagaalkuna Waa Mid Qadhaadh Oo Soo Jireen Ah.Baashe Maxamed Faarax

Hargaysa(GNN)Guddoomiyahe ku xigeenka 1aad ee aqalka golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay Labada Beelood ee Dirirta Dagaal ku dhex Marayso Deegaanka Qoriley in ay dagaalka joojiyaan si bilaa Shuruud Ah,Nabadana laga shaqeeyo.

waxa uu Ciidanka Puntland Faray in Ay faraha kala Baxaan Dagaalka ay ka dhex wadaana Joojiyaan Labada Beelood isaga Faray in ay Nabada ka shaqeeyaan,bulshadana isku soo dhaweeyaan.

Baashe Maxamed Faarax ayaa isimada,Boqorada iyo Salaadiinta Faray in ay Ka hawl galaan sidii xal waara dagaalkaasi soo noq-noqday looga gaadhi lahaa,waxaana uu sheegay inuu safar ugu bixi doono isaga oo Matalaya somaliland qaybna ka noqon doono inuu Nabad Ka dhaliyo Deegaankasi waxaana uu yidhi.

“Waa Dhacdo Laxdin leh waa dad walaalo ah oo ilaahay meel kuwada Beeray oo daris Ah,Dagaalka Hada Socdaa waxa uu ku dhaw yahay Mid Hada laga Joogo toban sano,Maalin kasta waa uu sii waynaanayaa dhiig danbe oo daatana looma baahna,waxa loo baahan yahay wixii dhintay in laga samro wixii noolna loo taliyo,Baaqaan halkan ka dirayaa waxa weeyaan in dagaalkaas la joojiyo Labada Dhinacba,Ciidanka Lakala Qaado,Siyaasadana laga daayo dhaqankana Loo daayo.

Baashe oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.”Hada waxaad moodaa inuu dagaalku waynaaday markii hore waxa uu ahaan jiray wax yaryar,Qof walaalkii dilay Faa’idi Maayo Akhirana Jano ku gali Maayo,Dagaalku waxa uu ka bilawday Daaqsin iyo Baraag,waxaan isimada,Garaadada cuqaasha iyo Boqorada ugu baaqayaa in ay Si deg-deg ah arinkaas u soo afjaraan,wakhti badan ayuu qaatee sababta loo xali kari waayay waa wax layaab leh,wixii garaado ah cida ay doonaan ha noqdaana dagaalkaas si shuruud la’aan ah haloo soo afjaro.

Bulshada ku dagaalamaysaa deegaanka Qorile waxa uu xasuusiyay in ay Nabadu Caano Macaan tahay,Qorina aan waxba lagu helin,isaga oo ka hadlay safar uu ku tagayo deegaanada ay colaadu ka taagan tahay.

“Haa anigu safar ayaan halkaas ku tagayaa,ujeedkayguna waa in Nabad Lagu xaliyo,waxaanan rabaa in sida ugu dhakhsaha Badan lasoo afmeero dhibtana laga waantoobo halka ay sartu ka qudhuntayna laga gaadho oo inta meel lawada fadhiisto sida uu xalku ku jiro lagu dhawaaqo.

Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa Xukuumada Puntland u soo jeediyay in Ay faraha kala Baxdo Dhibta ay deegaankaasi ka wado Nabada ka shaqayso waxaana uu yidhi.

“waxa la sheegayaa in Ciidamo Puntland Ahi meesha joogaan Haday Joogaan waanu taganaa waanan xaqiijinaynaa,haday jiraan waxaan maamulka Puntland fari lahaa in Ay ciidankooda meesha kala baxaan,dhaqanka loo daayo nabadana ay ka soo qayb galaan oo xooga la saaro sidii dadkaas Nabada Loogu soo dabaali lahaa.

Waxa uu sheegay ama Ciidanka Somaliland Ha noqdaan Ama Ciidanka Puntland in Ay faraha kala baxaan kala qaboojiyaana Labada Beelood ee Dirirtu ku dhex marayso deegaankaasi,isla markaasna aanay midna midka kale aanu lasoo safan Sida uu cadeeyay baashe Maxamed Faarax.
Gabiley.Net
Gabiley Office