Qabyaladiidka Somaliland iyo Habeenka Burco +Wadheehi Laga Jeediyay

Burco(GNN):Masuliyiinta Gobolka iyo Degmada Burco, Aqoonyahano ka kala Yimi Gobolada Somaliland, Abwaano, Culimo awdiin, Dhalinyaro, Haween iyo Masuliyiin kale ayaa xalay ka qaybgalay isla markaasna Foodda isku Daray Barnaamij loo Bixiyey Ololaha Cidhibtirka Qabyaaladda OCQ, oo ay fikraddiisa lahaayeen shakhsiyaad reer Somaliland ahi.

qabyalad

Munasibadd Ballaadhan oo lagu Qabtay Hotel City Palaza ee Magaalada Burco ayaa si weyn loogaga Dooday looguna Lafa Guray DHibaatada Qabyaaladda iyo Saamaynta ay ku yeelatay Horumarkii iyo Horusocodkii Bulshada Somaliland, Munasibaddaasi ayaa lagu Shaaciyey Olole ama kaambayn lagu doonayo in lagu helo 5000 oo qof oo Awood u hela inay Baarlamaanka hor geeyaan Xeerar lagu dabar goynayo lagagana soo horjeedo Qabyaaladda, Waxana ololahani ka soconayaa Guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Dalka sida ay shaaciyeen abaabulayaasha Ololahan.

qabya
Xubno ay ka mid yihiin Abwaan Hadraawi, Aqoonyahan Jamac Muse Jamac, Haldoor Barkhad, Cabdikarin Ahmed moge, Maxamed Cumar Hoodo Ayaan Suldaan iyo Cabdixakiin ayaa si weyn u faaqiday dhibaatada qabyaaladda iyo sida lagu heli karo qaran iyo bulsho ka fayow aafada Qabyaaladda.

Xildhiban Cabdilaki, XildhibanMubarik Bidhi,Duqa Degmada Burco Maxmed Murad, Badhasabkuxigenka Togdheer Maxmed Diriyey Xayd iyo Cabdi Xiis oo ah Madaxa Ololahan aya iyaguna soo jeediyey in la xoojiyo ololahan oo garab la siiyo iyaguna ay hormuud u noqon doonaan, iyagoo soo bandhigay siyaabo kala duwan oo ololahani u guuleysan karo in ay Bulshada isla qirsantahay in qabyaaladdu Tahay Aafo xun oo cudur ah oo an si dhib yar xal loogu heli Karin balse ay u baahantahay Dedaal , samir iyo dhabar adayg.

qaby

Gebogabadiina Waxa Aqoonyahanadi iyo Dhalinyaradi munasibadda ka soo qaybgashay Su’aalo ku Boobeen Bahda hogaaminaysa ee calanka u sidda Ololahan Cidhib tirka qabyaaladda, iyadoo aakhirkiina la isku waafaqay in meel looga so wada jeesto baabiinta iyo dabar goynta aafadan

 

 

Gabiley.Net

Gabiley Office