Masuuliyiinta Ururkii Nafaqo Oo Xabsiga Lagu Guray,Hargaysa Oo Maalintii 2aad Aan Neef Lagu Qalin Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Afka Xidhatay.

Hargaysa(GNN)Magaalada Hargaysa ee Caasimada somaliland waxa Maalintii 2aad galay inaan Neef Xoolaa Lagu qalin Taas oo Shirkada Maandeeq Ee Qaliinku Lacago Xad Dhaaf ku Kordhisay iyada iyo Dawlada Hoose oo is Barkani Dadka Muruq Maalka Ah ee Xoolaha Qala.

Masuuliyiinta wasaaradda Daakhiliga ayaa sidoo kale Albaabka ka soo xidhay dadka ka ganacsada Hilibka oo cabasho la hor tagay markii laga xidhay dadkii madaxda u ahaa Ururkooda iyo guddiyadoda. Booliska ayaa kala eryay dadka xarunta wasaaradda daakhiliga cabashada la tubnaa.

Dadka Xoolaha qala waxa ay shegeen in Neefka lo’adaha lagu Kordhiyay 12kuna Kaas oo laga Dhigay 35,000 sheegayna inaan lagala Tashan Iyaguna Cabasho ay Ka

muujiyeen,waxaana ay Ciidanka Boolisku Awood ku Muquuniyeen Masuuliyiintii Ururka Nafaqo oo Maalintii 2aad aan Xoola Qalin waxaana Lagu Buuxiyay Saldhigyada iyaga iyo Shaqaalihii Hilibka Qali Jiray.

Magaalada Hargaysa waxa Goob kasta Gaaf Wareegaya Ciidanka Booliska oo Diidan in Mudaharaad Cabasha Ah laga Muujiyo Cashuurta Ay Ururka Nafaqo ku shegeen Sharci Daro Waxaana ay yidhaaheen.

hil

“Waxa isku kaayo keenay eenu shalay iyo maantaba u joojinay qalista xoolaha waxa weeye waxaanan qaadi Karin ayaa nalagu jujuubay. Neefka Lo’ada ah wuxuu yidhi SLSH 35,000 bixiya oo wuxuu ku kordhiyay 12,000 kun, Neefka geelaha SLSH 60,000 wuxuu ahaan jiray 42,000, Neefka adhiga ahi wuxuu ahaan jiray 6,500 wuxuu yidhi 12,000 bixiya waxaanan qaadi Karin ayuu nagu jujuubayaa”

“Nin shicib ah oo nala mid ah ayaa xuurto nagu haysta. Dawladdayadii hore waxay naga qaadi jirtay shan boqol oo shillin(SLSH 500), markuu qabsaday ba wuxuu nagu bilaabay saddex kun iyo shan boqol(SLSh 3,500), mar kale ayuu nagu kordhiyay oo lix kun ka dhigay(SLSH 6,000).”

“Waxaanu ka mudaharaadaynaa shirkadda Maandeeq la yidhaahdo oo nagu haysata Kaawaankii dawladda. Cashuur aanan qaadi Karin ayaa nala leeyahay bixiya oo waxaa nalaga xidhay 50 qof oo rag iyo dumar iskugu jira. Masuuliyiintayadii Nafaqo ayay qaqabatay oo la xidhay, maantana naftiibay noogu timid oo waxay leedahay anagaaba ganacsanayna oo ganacsigii bay nagu haysataa. Cashuurtii way soo dhaaftay oo ganacsigii baabay nagu haysataa, haddaanu khalad wadno dawladdu ha na qabato, haddii nalaga gar daran yahayna madaxweynaha, wasiirka daakhiliga iyo cid kasta oo ay khusaysaba waxaanu leenahay adeer nimankaas nooga soo gurmada,”ayay yidhaheen dadkii Cabashada qabay ee Ururka nafaqo

Jaamac Rooble, guddoomiyaha shirkadda Maandeeq oo maamusha Kawaanka xoolaha lagu gawraco ayaa ku dooday in dadka hilibka ka ganacsadaa ka cabanayaan SLSH 5000 oo ay keentay duruuf ku aadan sixir bararka dalka, maadaama buu yidhi ilaa 2005 aan lacag la kordhin, inkasta oo Hilibluhu arrintaasi beeniyay oo sheegay in dhawr jeer lagu kordhiyay.

“Horta waa in la fahmo cabashada dadkan, anigu waxaan u arkaa dad aan lagu aamini Karin cuntada dadka, sababtoo ah may ahayn inay dadka gaajaysiiyaan. Waxay ahayd in hilibka la qaybiyo oo wixii wada hadal ah la iskugu yimaado. Waxaanu ilaa hadda qaadnaa qiimihii 2005-tii, sidaas darteed Kawaanka nadaafaddiisu ma sii shaqayn karto. Halkii aanu 6000 qaadi jiray waxaanu ku kordhinay 5000, waxaanad ka qiyaastaa qiimihii 2005-tii sida wax u kaceen, hadday lacagta tahay, hadday masaariif tahay,hadday shaqaalaha tahay, wakhtigaa 2005 litirka shidaal ahi wuxuu ahaa sodon senti, haddana waad aragtaasn,” ayuu yidhi Jaamac Rooble oo BBC-da la hadlay.

Gabiley.Net

Gabiley Office