Safiya Muxumed Maax oo Kamida Ururka Qurbajooga Ah Al Khahyriya Ayaa Furaasho,Dacasyo Gaadhsiisay Kuna Wareeejisay Uruka Samakaal Ee Gacanta Ku Haya Cisbitaalka Dhimirka

Gabiley(GNN) Safiya Muxumed Maax oo Kamida Ururka Qurbajooga Ah Al Khahyriya Ayaa Furaasho,Dacasyo,iyo Goyaal Gaadhsiisay Kuna Wareeejisay Uruka Samakaal Ee Gacanta Ku Haya Cisbitaalka Dhimirka

Munaasibada Wareejinta Deeqdani ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay Mayarka Gabiley M/Amiin Cumar Cabdi , Gudoomiyaha Uruka Samakaal Kayse Xaaji Muuse Cilmi, Gudoomiyaha Gudida Ganacsatada Ee Gabiley Xaaji Cali Nuur Cumar,Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deeganka Gabiley, Xubno Kamida Ururka Samakaal Iyo Marti Sharaf Kale.

DSC00856

Waxa Ugu Horayn Ka War Bixisay Safiya Muxumed Axmed oo Kamida Ururka Qurbajooga Ah Alkhayriya  Waxyna Ku Bilowday Hadalkeeda.

DSC00910

“Bismilahi Raxmaani Raxiim Waxan Maanta Halkani Ku Wareejinayaa Uruka Mutadawaciinta Ah Ee Samakaal Ee Gacanta Ku Haya Cisbitaalka Dhimirka Gabiley Sodon Furaash,Sodon Goyaal Ah,Sodon Barkimood, Kartoon Dacasa, Iyo Waliba Kartoon Saamuuna. Ayay Tidhi Safiya Muxumed Axmed”.

DSC00896

Gudoomiyaha SamakaalKayse Xaaji Muuse Cilmi Ayaa isaguna Halkaasi Ka Jeediyay Hadal Ayaa Sheegay in Aanay Ahayn Deedani Deeqdii Ugu Horaysay Ee Ay Keento Safiya Muxumed Axmed Balse Ay Hore Uga Qayb Qaadatay Dhismaha Cisbitaalkani Dhimirka Tan Maanta Ay Ka Qayb Qaadatayna Tahay Qalabayntii Ugu Horaysay Ee Cisbitaalka Madama Uu Dhamaaday Dhismihiisi Safiyana Illhay Waxan Uga Baryayaa In Ajar Iyo Xasanad Ka Siiyo.

DSC00892

Mayarka Gabiley Amiin Cumar Cabdi oo isaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Aad Ugu mahad Celiyay Safiya Muxumed Axmed Waxaanu iIlhay Uga Baryay In Ajar Iyo Xasanaad Ka Siiyo.

DSC00860Gudoomiyaha Gudida Ganacsatada Gobolka Gabiley Xaaji Cali Nuur Cumar oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Aad ugu Mahd Celiyay Marwo Safiya Muxumed Axmed Waxanu Baaq Dheer u Diray Ganacsatada, Qurbajooga, Iyo Xukumadaba Inay Ka QaybQaatan Qalabayntani Cisbitaalka Dhimirka Ee Gabiley Tana Ay Tahay Ta Qofkasta Oo Ku Darsada ay Maalin Aaan Maanta Ahayn Wax U Tari Doonto Sadaqaduna Ay Ka Mid Tahay Acmaasha Alle Agtiisa Loogu Dhawaado.

DSC00911
C/rasaaq Axmed Hayaan Ilkacase
Gabiley.Net
Gabiley Office