Salaadiinta Beelaha Habar Yoonis iyo Subeer Awal oo Kulamo uga Bilaabmeen Magaalda Hargeysa

Hargeisa(GNN):-Salaadiinta guud ee beelaha HabarYoonis iyo Subeer Awal, ayaa kulan qado sharaf ah loogu sameeyey huteelka SABA ee magaalada Hargeysa maanta.Kulankan qado-sharafta oo ay ka qaybgaleen in ka badan dhawriyo toban suldaan oo ka kala socda beelaha Subeer Awal iyoHabar Yoonis, kuwaas oo ay ka mid yihiin;
Suldaan Guud ee Beelaha HY,suldaan Maxamed Sul. XirsiQani, Suldaanka guud ee beelaha Suber Awal Suldaan XasanSul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan , Suldaan Mawliid Cali Sabayso,Suld.Maxamed Daahir Cilmi,Suld.Shariif, Cheif Caaqil
Gaboobe , Chief Caaqil Bul-bul iyo Chief Caaqil Budh-yare.Waxa kaloo kulanka goob-joog ka ahaa siyaasiyiin iyoaqoonyahan ay ka mid yihiin; Muj.Ciise Curaate, Axmed Like,
Axmed Jawhari, Muj. Cali Xaraaro, Muj. Yuusuf Cabdi
Gaboobe iyo taariikh ururiyaha halgankii SNM Siciid X. Qulube
iyo weliba waxgarad kale oo badan. Kulankan hadhimo-sharafeedka ah oo saxaafaddu dibadda ka
joogtay, ayaan si rasmi ah loo ogayn ujeeddada uu salka ku hayo iyo waxyaabaha lagaga wadahadlay.
Haseyeeshee, sida ilo xogogaal ahi u sheegeen Togdheernews
waxa ujeeddada ugu wayn ee kulankani la xidhiidhay wadatashi
madaxdhaqameedku kaga arrinsanayeen xaaladda cakiran ee ka
taagan dalka, gaar ahaan xiisadda ka aloosan Haamaha
Shidaalka, iibka buurta gacan-libaax iyo arrimo kale oo dhawr
ah iyo Sidii aragti midaysan uga yeelan lahaaeen arimahaas.
Casuumaddaasi qadada ah kadib waxa salaadiinta, siyaasiyiinta
iyo mujaahidiinta ka qaybgalay ay wadayeesheen kulan fadhi ah
oo ay ku lafa-gureen arrimaha uu salka ku hayey shirkoodu.
Kulankan ayaa ku soo beegmay waqti xiisado siyaasadeed oo
adagi ka taagan yihiin dalka.
Sidoo kale,kulamadan ayaa la sheegay inay socdeen maalmihii u dembeeyay kuwaasoo ahaa kuwo albaabadu u xdhan yihiin.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network