Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji (Aadan Wali) Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Ardaydii Kaalmaha Hore Ku Guulaystay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Dalka

Gabiley(GNN)-Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji (Aadan Wali), oo ka mida Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa dhambaal Hambalyo iyo bogaadin ah u diray guud ahaan Ardaydii kaalmaha hore gashay Imtixaannaadkii Fasalada Afraad ee dugsiyada sare iyo Fasallada Siddeedaad ee dugsiyadda dhexe ee dalka.

Siyaasi Aadan Maxamed (Aadan Wali), waxa uu si gaara Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Ardayda dugsiga Sare ee Imaamu Shaafici ee Magalada Gabiley oo markii ugu horaysay ee ay ka qaybgalaan imtixanka shahadiga ah ku guulaystay Kaalmaha ugu sarreeya (Top Ten).aadan

“Waxaan Hambalyo u dirayaa dhammaan Ardaydii reer Somaliland ee ku guulaystay Kaalmaha sar sarre ee Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka, waxaan leeyahay waad dedaasheen halkaas ka sii wadda tacliinta. Sidoo kale, waxaan doonayaa inaan Bogaadiyo Dugsiga Sare ee Imaamu Shaafici ee Gabikey oo Galay Sanad Dugsiyeedkan Imtixaankii shahadiga ahaa ee dalka, waxaan leeyahay waad dedaasheen halkaas ka sii wadda oo hore uga sii talaabsadda, waxaan iyaganna bogaadinnayaa Maamulka, Macalimiinta iyo Waalidiiinta oo dedaal badan muujiyey si ay ubadkooddu ugu guulaystaan kaalmahaas qiimaha leh. Maamulka iyo Macalimiintanna waxaan leeyahay ha daalina dedaalkaas ayaa inoo balan ah.” Sidaa Waxa Yidhi Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji

C/rasaaq Axmed Hayaan ilkacase
Gabiley.net
Gabiley office