Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuun Cabdilaahi Cabdi Faarax(Dayr) Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Hargeysa(GNN):-Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji ayaa shacabka somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida ku Timid Marxuun Cabdilaahi Cabdi Faarax(Dayr) oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka Tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax (Dayr), oo Maata Oo Bishu Tahay 19/09/2015 ku Geeriyootay Magaalada Hargeysa.

Siyaasi Aadan Maxmed Xaaji waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

AAMIIN          AAMIIN                 AAMIIN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Gabiley.Net
Gabiley Office