Siyaasiga Cabdilaahi Jawaan Oo Soo Dhaweeyey Heshiiskii Dhex Maray Somaliland Iyo Somalida Ethiopia, Fariina U Diray Suldaan Xasan Iyo Buur Madaw, Kulmiye-na hanbalyeeyey

Hargeysa(GNN):-Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa hadlay heshiiskii dhinaca nabada ee dhex maray dawlada somaliland iyo ismaamulka somaliyad Ethiopia ee kilalka shanaad.

Siyaasiga Cabdilaahi Jawaan oo khadka telefanka ugu waramayey Gabileynews waxa uu ka hadlay muranka haamaha shiidaalka Berbera iyo shirweynaha xisbiga Kulmiye , waxaanu baaq u diray labada madax dhaqameed ee Boqor Buur Madaw iyo Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi.
Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar Jawaan

Ugu horayn siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo ka hadlaya heshiiskii dhex maray ismaamulka somalida Ethiopia iyo dawlada somaliland, madaxweynaha ismaamulkana ku hanbalyeynaya horu marka uu gaadhsiiyey deegaankaas ayaa waxa uu yidhi
“Heshiiskii ay wada gaadheen dawlada ismaamulka Somalida Ethiopia iyo iyo somaliland waxa uu ahaa heshiis aad u qiimo badan dan balaadhana ugu jirto labada umadood ee somaliland iyo Ethiopia gar ahaana kilalka shanaad, waxaanan heshiiskaa ku hanbalyeynayaa madaxweynaha ismaamulka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo anigu u arko nin aad wax u fahmay, ismaamulka somalida Ethiopia-na ka dhigay meel mandaqadan somalidu ku nooshahay ka dhex iftiimaysa oo xaga horu marka iyo deganaanshaha sidii hore iska badashay, mashaariicda ka socota iyo wax wada qabsigana aad wax ugu soo kordhiyey, nin hal abuur iyo hogaamin leh ayaan u arkaa, waxaan ku hanbalyeynayaa guusha uu gaadhsiiyey somalida geeska Afrika degta ee Ethiopia ka tirsan iyo sida uu u hogaaminayo iyo sida uu horu marka u wado, guud ahaana waxaan soo dhawaynayaa labadii dawladood ee heshiiska wada gaadhay kaas oo ay fure u noqdeen safaradii ay wasiirada arimaha gudaha iyo dibada somaliland ku tageen jig jiga, talaabo wax qabad leh ayaanay noqotay waanan ku hanbalyeynayaa dawlada dhexe ee Ethiopia, dawlada deegaanka Somalida Ethiopia iyo dawlada somaliland.”

Sidoo kale siyaasiga Cabdilaahi Jawaan waxa uu ka hadlay muranka ka taagan wareejinta haamaha shiidaalka waxaanu yidhi
“Hantida qaranka ayaa laysku hayey, cida isku haysayna waxay ahayd hay’addihii sharciga ee la doortay ee madaxweynaha iyo baarlamaanka, iyaga ayaana loo xil saaray wixii ay isku qabtaana waxa lagu kala baxaa xeerkaas lagu heshiiyey ee yaala, haduu distoorka yahay iyo hadii uu shuruucda kale ee ka farcantayba yahayba, waxay dhigayaan ayaana dib loogu noqdaa hadii lays mari waayana waxa loo tagaa maxkamada dastuuriga ah taas oo iyadu macnaysa ama go,aanka ugu danbeeya iska leh, taasna maanta wax weyn ayaa iska badalay intii loo dhiibay gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo ah nin dhalinyaro ah oo maskax furan oo runtii talaabo wanaagsan oo wax ku ool ah ku bilaabay , yididiilo wanaagsana galiyey dadkii somaliland ee ka iimaan baxay cadaalada”

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay gacan ka hadalkii shir gudoonka, xukuumada iyo baarlamaankana waxa uu ugu baaqay in la dhameeyo Waxanu Yidhi
“foolxumo ayaa maalin dhawayd dhacday, shir gudoonkii oo gacanta iskula tagay, dadkii oo ku kala qaybsamay iyo haamihii oo laysku haysto, haamo yar oo batrool lagu shubo oo ay mudo bil ku dhaw ay qaadatay jawaab celin, aad ayaanay inooga baahday fadeexad iyo dhaleecayna dalka ayey ku noqotay, haday salaadiin tahayna waji qabiil ayaa loo yeelay cid walibana soo gashay, markaa waxaan xukuumada iyo baarlamaanka ugu baaqayaa in murankaas la dhameeyo, laguna dhameeyo sida uu sharcigu yahay, odoyaasha ka hadlayana waxaan leeyahay yaan qabiil la soo dhex gelin wixii maamul ku shaqo leh.”

Sidoo kale waxa uu baaq culus u diray madax dhaqameed warbaahinta isku mariyey eedaymo kala duwan waxaanu yidhi
“Maalmahan waxa uu buuq ka taagnaa xisbiga Kulmiye waxaana la arkayey salaadiin dhaqan u xil saaran oo hadalo is waydaarsanaya aan iyaga kala qaban xisbigana deel qaaf ku ah iyaga laftoodana aan ku haboonayn in xanafi dhex marto gaar ahaan suldaanka guud ee beelaha subeer Awal iyo boqor Buur madow waxaanan leeyahay xisbigu waa xisbi, labadiinaba waan idinka waynahay adeer ayaanan idiin ahay waxaan idin leeyahay wixii hore ee aad isku tuur tuurteen halkaas haku xidhmo xisbigana hawshiisa u daaya reerna yaan la soo dhex galin.”

Waxa kale oo uu madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga ku hanbalyeeyey sida ay uga wada tashadeen wakhtiga la qabanayo shirka xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi
“Madaxweynaha dalka ayaa xisbiga aas aasay oo taladiisa laga qaataa, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaana hogaanka xisbiga loo doortay maantana waxa uu sheegayey cida ay ula noqdaan ee talada la waydiinayaa inuu yahay madaxweynaha, Isfahan ayaanay maanta muujiyeen waxaanay gooyeen wakhtiga golaha dhexe shirkiisa la qabanayo oo aad looga war warsanaa, taasna waan ku hanbalyeynayaa madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga aragtida wanaagsan ee ay maanta soo wada saareen, waxaanan leeyahay waxna yaanay inaga murgin, xisbiyada midna inuu dhaawac inaga gaadho ma doonayno oo sadexdda xisbi hadii mid wax ku dhacaan waa dimuqraadiyadii oo wax ku dhaceen, sidii Udub oo kale yaanay wadadeedii inaga marin, talaabo wanaagsan ayey kulmiye muujiyeen waanan ku hanbalyeynayaa”

Ugu danbayntiina waxa uu talooyin dhaxal gal ah u soo jeediyey madax dhaqameedka ku milmay siyaasada iyo dadka kala taageera xisbiyada qaranka waxaanu yidhi “ Waxaan waano u dirayaa umada kala taageerta xisbiyada, xisbi waa la taageeraa laakiin xisbi siyaasiya iyo waxa kala duwan haddaanu nahay reer hebel waxanu ku baaqaynaa sidaas iyo sidaas, waar reer iyo xisbi kala daaya waa dab iyo Patrol, layskuma dhufan karo meelna kama wada bixi karaan, xisbi waa xisbi waxaana samaystay kooxo isku dan ah oo isku ujeedo ah a laba nin oo walaalo ah ayaa midba xisbi galaa, markaa nin dhaqan iyo suldaan talo waa la waydiin karaa laakiin suldaanku cid walba suldaan ayuu u yahay markaa inuu nin gaar ah ama koox gaar ah la safto suldaan dhaqameed kuma haboona, marka arintii ay isku tuur tuurayeen madaxda dhaqanka ee aan adeerka u ahay adeerayaal halkaa ku joojiya ayaan leeyahay sharaftii iyo wanaagii iyo sumcadii aad umada u hayseena ilaaliya, xisbiyadana talo ka gaysta laakiin isku qabadkooda iyo murankooda raga siyaasada u anbabaxay u daaya.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar

Gabileynewsnetwork
Gabiley Office