Hargaysa(GNN)- Waxaa Maanta Magalada Hargaysa Si wayn loogu soo dhaweeyay Siyaasi , Prof , Ismaaciil Maxamuud Hurre Buuba oo muddo dheer Dalka ka maqnaa .Siyaasi Ismaaciil oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ee Dalka Qadar ayaa Ka soo Dagay Gagida Diyaaraduhuu ka haadaan Ee Hargaysa Air port .
Waxaana madaarka Kaga hortagay Kumaanaan Dadwayne ah , Aqoonyahan , Siyaasiyiinta , Waxagarad , Dhalinyaro , Haween iyo Masuuliyiinta Ugu sareesa labada Xisbig Mucaarad oo kala Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Murashaxa Madaxweyne Ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen , Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Masuuliyiin kale .
Prof Ismaaciil Hurre Buube oo Warbaahinta kula hadlay Qolka Nasashada ee Madaarka Hargaysa ayaa si wayn ugu Mahad Naqay Dhmaana qeybihii Bulshada ee Soo Dhaweeyay .