“Suldaan Sabayse Talo Ayuu Soo Jeediyay, Dee Ninka Talo Soo Jeediyaba Haddii La Yidhaa Xabsiga U Taxaaba Madaxweyne Dhibkeeday Leedahay Olole Siyaasi Ahna Waad Ku Jirtaa..”Suldaan Maxamed Sul. C/qaadir

Hargeysa(GNN) Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in ay xoriyadooda usoo celiso salaadiinta u xidhan ee kala Suldaan Mawliid sabeyse iyo Boqor Raabi.

Suldaan Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, ayaa xukuumadda u sheegay in salaadiintu ay leeyihiin xasaanad ay ku ixtiraami jreen xukuumadihii kale dambeeyey illaa isticmaarkii ingiriis. Isaga intaa ku daray in xadhigan madax dhaqameedku yahay xaalad abuur iyo kicin dadweyne.

Warka Suldaanka oo maqal iyo muuqaal ah ka daawo halkan hoose: