Ururka AL-shabaab oo soo bandhigay Sawirada Maydadka Askartii ay Ka Dileen Amisom.

Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirada weerarkii 1-dii Bishan ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Shabaab Janaale

Weerarkaasi waxaa qaaday Guuto loogu magacdaray Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab Axmed Godane oo la dilay 1-dii Bishii September ee sanadkii 2014-kii.

Shabaab Janaale 1

Sawirada Shabaabka ay soo bandhigeen, ayaa muujinaya dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab oo galaya Xerada ciidamada Amisom ee Janaale, halka qaar kale oo Shabaab ka tirsan ay ku sugan yihiin Saldhiga.

Shabaab Janaale 2Sidoo kale Sawirada ayaa muujinaya Askar ka tirsan Ururka Al Shabaab oo rasaas la dhacaya ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh Degmadaasi.Shabaab Janaale 3

Amisom waxa ay qirteen weerarkii Janaale in looga dilay 12 Askari oo ka mid ah ciidamada dalka Uganda ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, inkastoo Shabaab ay sheegteen tiro intaasi ka badan.Shabaab Janaale 4Marka la eego sawirada Shabaabka ay soo bandhigeen iyo khasaaraha badan ee ay sheegeen inay gaarsiiyeen ciidamada Amisom, kama  muuqato sawirada.

Xoogaga Shabaab ayaa guluf colaadeed oo adag waxa ay kula jiraan ciidamada Amisom ee Somaliya ku sugan.

     Shabaab Janaale 5 Shabaab Janaale 6 Shabaab Janaale 7 Shabaab Janaale 8 Shabaab Janaale 9

 

1 2 3 4 5 6 7 8

 

 

 

Log1