War Deg Deg Ah:Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magalada Hargaysa iyo Khasaare Dhimasho iyo Dhawacba Leh Oo Ka Dhashay

Hargeisa(GNN);-Inta la ogyahay hal qof baa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan deegaanka Dacar-budhuq.

Gaadhi qalibmay oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaanno Shaamboo Xayraanka ayaa waxa uu siday 24 nin oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana la sheegay inay tahriib ahaan loogu siday Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland, laakiin gaadhiga oo shil ku galay deegaanka Dacar-budhuq ayaa sababay geerida Alle ha u naxariistee dirawalkii gaadhigaasi waday oo Soomaali ahaa, waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen raggii Oromada ahaa ee uu siday.sh(2) sh1(6) sh2(5)

 

Maydka dirawalkii gaadhiga waday iyo dhaawaca dadkii kale ayaa Abbaaro 1 iyo 20 daqiiqo la soo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale qaybta gurmadka deg-degga ah ee cisbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa lagu daweynayo dadkaasi dhibaatadu ka soo gaadhey shilkan.

Shilka ay galeen dadka tahriibka ahaa ayaa noqonaya kii koowaad ee inta la xasuusto dad tiradoodu intaasi leeg tahay mar ku wada galaan gudaha Somaliland.

 

Hargeisa  Gabiley News Network