Wardeg-dega Qarax Xoogan oo Gilgilay Afaafka Hore Ee Madaxtooyda Muqdisho.

Muqdisho(GNN):- Afaafka Hore Albaabka laga galo xarunta madaxtooyada somalia ayaa waxaa gilgilay qarax xoogan waxaana qaraxani kusoo Beegmay xili shacabku Tukanayeen salaada Maqrib

Wararka kala duwan ee aanu ka helayno ayaa sheegaya in nooca qaraxani ahaa nin naftii hure ah isla markaana isa soo miidaamiyey,

Waxaana qaraxni Kusoo Beegmayaa Iyadoo Xarunta Madaxtooyada Somalia Loo Fadhiyo Soo Xidhitaanka Shirkii Saddexdii Maalmood Ee U danbeeyey u Socoday Maamulka Dawlada Somlila, Waxaana Wariyayaasha Qaar aanu Khadka Telefoonka Kula Xidhiinay noo Sheegeen In Goobta Qaraxu Ka Dhacay Tahay Afaafka Madaxtooyada Balse Iyagu Ku Jiraan Gudaha Madaxtooyada

Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha :La Soco Faahfaahintooda.\

Gabiley News Network