Wargayska Indian Ocean Oo Sheegay In Cabdiraxmaan Ciro Uu Madaxwayne Siilaanyo Kaga Dheereeyay Xidhiidhka Uu Beesha Caalamka La Leeyahay.

Hargeysa(GNN)-Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii toddobaadkan soo baxay wuxuu ku qoray in guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Madaxweyne Siilaanyo kaga dheereeyay xidhiidhka beesha caalamka. Beesha caalamka ayuu wargeysku qoray inay doonayso inay Cabdiraxmaan-Cirro la yeelato xidhiidh.

Wargeysku, wuxuu qoray in Madaxweyne Siilaanyo aanu jeclaysan kulan uu 7 September Cabdiraxmaan-Cirro magaalada Nayroobi ee Kenya kula yeeshay koox safiiro reer galbeed ah. “Cirro waxa martiqaaday safiirka Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso, ergayga gaarka ah ee Maraykanka Brian H. Phipss iyo safiirka Norway Victor C. Ronneberg.” ayuu wargeyku ku yidhi warbixintiisa, waxaanu isagoo wargeyska Indian ocean ka sii hadlaya waxyaabaha ay safiiradani kala hadleen Cabdiraxmaan-Cirro uu yidhi,
“waxa ay doonayeen in ay in ay ogaadaan xaaladda imika taagan ee dib-u-habaynta dimuqraadiga ah si loogaga doodo baarlamanka.Illaa imika fikirka noocaas ah waxa lala waday Siilaanyo, laakiin muranka ka taagan joogitaankiisa kursiga ee illaa sannadka 2017ka iyo cunaqabataynta ka dhanka ah kuwa ku xeeran iyo jaridda caawimooyinka la siiyo Somaliland ayaa mugdi geliyey xidhiidhkii uu la lahaa galbeedka” sidaas ayuu wargeysku ku soo oodday warbixinta uu cadadkiisii toddobaadkan ka qoray Somaliland.

 

 

Gabiley.Net

Gabiley Office