Wasiir Ku Xigeenka Warshadaha Somaliland Oo Fariin U Diray Madax Dhaqameedka Subeer Awal, Si Cadna U Sheegay In La Wareejiyey Haamaha Shiidaalka

Hargeisa(GNN):-Wasiir ku xigeenka wasaarada warshadaha somaliland Cali Maxamed Axmed ayaa ka hadlay xadhiga xukuumadu kula kacday suldaan Sabayso. Wasiir ku xigeenka wasaarada warshadaha somaliland waxa uu markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inuu dhacay heshiiska lagu wareejinayo haamaha shiidaalka Berbera, waxaanu tilmaamay inaan loo joojin doonin cid kasta oo hor istaagta wareejinta haamaha shiidaalka.

Wasiir ku xigeenka oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu kale oo uu baaq u diray beesha uu ka soo jeedo suldaan Sabayso, waxaanu kula taliyey inay si qurux badan ula macaamilaan qaranimada somaliland.

 Ugu horayn wasiir ku xigeenka warshadaha somaliland  oo ka hadlay xadhiga suldaan Sabayso ayaa waxa uu yidhi “Sabayso waa suldaankaygii waanan ixtiraamayaa, waxaan idiin sheegaya qaabka uu u hadlay tan

ugu danbaysay aniga oo kaliya maan dhaliilin ee dadka oo dhan ayaa dhaliilay, waanan jecelahay aniga oo wasiir ah  halka ay tahay iyo xukuumada inaan uga doodo oo aan yidhaahdo suldaanka hala soo daayo  qaabkeeda iyo hawsheedana waan marayaa laakiin suuqa ka hadli maayo, Buur madawna dhawr jeer ayaa la xidhay malaa sabayso maanta ayaa ugu horaysa, Buur Madaw markasta oo uu qaranka oo ku gafo iyo mar kasta oo uu madaxweynaha meel kaga dhaco  waa la xidhayey waxaanu ahaa suldaankii ugu mudada dheeraa ee xidhnaa, haddii maanta inaga mid laynaga xidhay buurmadaw toban jeer ayaa la xidhay si qaawan ayeynu u wada hadlaynaaye, jeelka ayuu ku jiray intaas oo bilood waana loo hadlayey beeshaasna wuu ka soo jeeda, keena maanta ayaa la xidhay 24 saacadood ayaad qabateen waar waxaan idin leeyahay aynu si qaawan u wada hadalnee dawladana cidi inagama badsato qarankana cidi inoogama badna, inaga ayaa caasimadda dagan boqolka Hargeysa soo gala sideetan ayeynu qaadanaa waar bahasha aynu si qurux badan ula macaamilno.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaarada warshadaha somaliland

Sidoo kale wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in talaabo laga qaadi doono cid kasta oo ka hor timaada wareejinta haamaha shiidaalka Berbera waxaanu mar kale yidhi “Anigu waxaan idhi cidii xuquuqda dawlada ka hor timaada ee la fulinayo talaabo ayaa laga qaadayaa imika ayaanan leeyahay ee talaabo ayaa laga qaadayaa hebel ma odhanayo  laakin qofkii ka hor yimaada nidaamka dawlada ee lagu wareejinayo haamaha talaabo ayaa laga qaadayaa.”

Ugu danbayntiina waxa uu sheegay inuu dhacay heshiiska lagu wareejinayo haamaha shiidaalka Berbera waxaanu yidhi “Heshiiska haamuhu wuu dhacay waana la galay waanu soconayaa haamahana waa la wareejinayaa si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka dalka.” Ayuu yidhi wasiir Cali Maxamed Axmed.