Wasiir Waran Cadde Iyo Taliyaha Cidamada Bada Somaliland Oo Si Wada Jira U Dhagax Dhigay Xarun Ay Yeelan Donaan Ciidamada Bada + Sawiro

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Arimah Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde Iyo Taliyaha Ciidanka Badaha Somaliland Arminaal Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa si wada jira ugu dhagax dhigay xarun cusub oo ciidamada badu ku yeelan doonaan Caasimda Somaliland Ee Hargeysa.

Xarunta loogu tala galay ciidamada bada somaliland ayaa  laga hir gelin doonaa xerada birjeex ee ciidanka qaranka, waxaana  ka hadlay  taliyaha ciidanka bada somaliland Arminal Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) waxaanu sheegay inay xaruntani noqon doonto hoyga ciidamada badu ku yeelan doonaan Hargeysa waxaanu yidhi “Maanta Wasiir Waxaan Doonaynaa In Aad noo dhagax dhigto taliskii ciidamada Bada Somalilan, ciidamada baduna hoy kuma laha Hargeysa markaa

waxa ay xaruntani noqon doontaa mid hoy uga noqota caasimada”

Taliyaha ciidamada bada somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay balan qaad ay dawlada ingiriisku u samaysay waxaanu yidhi “.Dawlada ingiriiska ayaa noo balan qaaday in ay noo dhisi doonto guri yar kii waynaana waxa aanu u daysanay Berera oo waxa aanu doonaynaa in aanu Bada ku Jeesano waxaanan  u mahadcelinayaa ciidanka milatariga iyo hogaankoda oo asteeyey meeshan aanu ka dhisayno xaruntan.”

Wasiirka arimaha gudaha somaliland oo isaguna ka hadlay dhagax dhiga xarunta ciidamada badu ku yeelan doonaan Hargeysa ayaa soo dhaweeyey waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta waa inoo farxad in ciidanka bada Somaliland ay xarun rasmi ah ku yeeshaan Hargeysa, waxaanan u mahad celinaynaa dawlada Ingiriiska  oo wax badan inaga taakulaysay taas oo ay ka mid tahay halkan aynu maanta dhagax dhigayno.”

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha somaliland waxa uu dardaaran u diray ciidamada bada waxaanu yidhi “somaliland waxay leedahay bad dheer, taas oo caalamka ugu fadhida qiimo badan, maantan hadaynu somaliland nahay waxaynu ka dhignay bad la majiirto, ciidankeena badana waxaan leeyahay waad dedaalaysaan ee ka sii badiya halka aad maanta taagan tihiin.”

Ugu danbayntiina Suldaan Bare Xaaji Xuseen oo ka hadlay xarunta cusub ee ciidanka bada loo dhagax dhigayo ayaa waxa uu yidhi “waxaan soo dhawaynaynaa ciidamada maanta halkan looga samaynayo xarunta.”