Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Sheegay In Gudigii Baadhista Ciidamadu Bilaabay Hawshii Loo Xilsaaray.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa sheegay in Guddii loo xilsaaray inay baadhis ku soo samayso Ciidamada Qaranka inay hawsheedii bilawday, isla markaana aanay ku eekayn Ciidamada Qaranka, ee ay dhamaan ay Ciidamada kale duwan ee dalka ay baadhi doonan, waxaanu sheegay in marka uu baadhitaanku dhammaado la soo bandhigi doono natiijada. Guddidan ayaa la sheegay inay baadhayso dilalka ku soo noqnoqday ciidamada qaranka muddooyinkan dambe.
![]() |
Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waaxa uu amaan u soo jeediyey Ciidamada kale duwan ee dalka waxaanu Bulshada ugu baaqay inay garab istaagan waxaannu
Wasiir Caddami ayaa isaga oo amaanay Ciidamada waxa uu yidhi “Ciidamada Somaliland oo dhami waa Ciidamo wanaagsan, oo iyana dadkooda jecel, waana kuwa ILLAAHAY ka sakaw amaanka ilaaliya, in mar walba dadku la shaqayaan, oo garab istaagaan oo wixi khaldan ee dhib dalka iyo dadkaba ku haya u soo sheegaan ayaa haboon”