Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Xaflad Soo Dhaween Ah U Sameeyey Taageerayaal Ku Soo Biiray Oo Ka Soo Dego Rogtay Xisbiga Kulmiye.

Hargeysa(GNN):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa uu xaflad soo dhaween ah u sameeyey tageeraal ku soo biiray oo ka soo dego rogtay xisbiga talada dalka haya ee kulmiye .

Tageerayaashan oo ay tiradoodu dhameed 50 qof oo haween ah isla markaana ka soo jeeda beesha gabooye ayaa waxaa xaflada soo dhaweynta oo ka dhacdey golden hotel ka soo qeyb galay hagaanka sare ee xisbiga wadani xildhibaano iyo masuulyiinta sar sare ee xisbigaasi Waddani .

wadani

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay qaar ka mid ah haweenkii loo sameeyey xaflad soo dhaweynta waxaana ay sheegeen in ay ku kaliftey in ay xisbiga wadani ku soo biiran ka dib markii ay ku khashareen taageeradii iyo codkii ay siiyeen xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye waxaana ay xisbiga wadani uga digeen in uu qaado talaabadaas uu qaaday xisbiga kulmiye .
Sidoo kale waxaa isna madasha hadlo kooban ka yidhi gudomiye ku xigeenka garabka haweenka ee xisbigaasi oo ka soo jeeda beesha ay tageerayaashani ka soo jeedan waxaana ay sheegtay in ay ku soo dhaweyneyso tageerashan xisbiga wadani isla markaana ay u tahay arin farxad ah xisbiga wadanina uu yahay xisbi loo soo kala horeeyey balse aanu aheyn xisbi la kala leeyahay .

wadanii

Gabo gabadii waxaa halkaasi ka Hadley xildhibaan cabdiraxmaan xoog oo ka mid ah xildhibanada golaha wakiilada somaliland waxaana uu sheegay in xaafasda ay ka soo jeedan tageerayshan cusubi ay ka mid tahay xafadahii laga soo doortey markii uu xildhibaanimada u tartamaayey maanta ay farxad u tahay in ay isku xisbi noqdaan waxaana uu xildhibaanku u balan qaaday tageerasha in ay ka heli doonan wax kasta oo ay maanta ugu soo biiren xisbiga wadani isla markaana tageeradoodu aanay noqon doonin mid ay ku khasaaraan

Ugu dambeyntii waxaa madasha ka hadlay hadlo soo dhaweeyn ahana ka yidhi barkhad jaamac xirsi oo ka mid ah sarakiisha sar Sare ee xisbiga Waddani waxaana uu xusay in tageershan cusub ee ka soo jeeda xaafada daami uu ku soo dhaweenayo xisbiga wadani

“waxaan halkan ku soo dhaweynayaa tageerayaashan cusub ee 50 haweenka ah kana soo jeeda xafaada daami waxaan leeyhay ku soo dhawaada xisbiga wadani xisbiga wadani waxaa uu idiin balan qaadaya in aanu cidla idinkaga tagi doonin balse uu tabashooyinka gaar ah ee aad ugu soo biirteen idiin fulin doono mana noqon doono sida uu idinku noqdey xisbiga kulmiye .

wadddd

Dalku maanta afduub ayuu ku jiraa madaxweyuhu waxaa uu doonaya in uu dalka sharaf kaga tago balse dad sharaftiisa dilaya waxaan leeyahay ilaahay dadkaas dalka ha ka qabto” ayuu yidhi barkhad jaamac xirsi

 

Gabiley.Net

Gabiley Office