DAAWO:SHIRWEYNIHII LAAMAHA X. WADDANI EE DALKA Norway OO LAGU QABTAY OSLO.

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Salaanta islaamka kadib, waxaa mahad ilaahay ah in maalintii SABTIDII bishu ahayd 17.10.2.015 uu ka qabsoomay shirweynihii laamaha xisbigaWaddani magaalo madaxda dalka Norway ee OSLO.

 

Iyagoo mudooyinkii ugu danbeeyey laamaha xisbiga WADDANI ee Norway ku jireen abaabul xoogleh oo la xidhiidha dib u habeyn laamaha xisbiga Waddani ee Norway iyo xeerhoosaadka laamaha X.Waddani ee Norway.

Shirkaas waxaa lagu soo bandhigay warbixino la xidhiidha habsami u socodka hawlaha xisbiga Waddani ee dalkan Norway, iyo weliba qaab dhismeedka maamul cusub ee uu yeelanayo xisbiga Waddani ee dalka Norway. Iyadoo shirka lagu ansixiyey xubnihii guddiga fulinta ee laamaha shirka ka soo qayb galay.

  1. Mudane Eng. Ali Abdullahi Bulhan (Gudoomiye)

  2. Mudane Iid Hussein Yussuf (Xoghayaha guud)

  3. Marwo Noora Farah  (Xoghayaha dhaqaalaha)

  4. Mudane Eng. Omar Ali Abdi (Afhayeen)

  5. Marwo Roodo Muse Ismail

  6. Marwo Leyla Jama Kahin

  7. Mudane Ex. Xildhibaan  Ahmed Beegsi

  8. Mudane Eng.Mukhtar Omar Nur

  9. Mudane Eng. Rakeem M. Ali Duale

  10. Mudane Abdi-kuuriya.

Qaab dhismeedka Maamul ee laamaha xisbiga Waddani ee Norway wuxuu ka kooban yahay;

  • Guddiga fulinta oo ka kooban 15 xubnood waxay ka kala imanaaya laamaha xisbiga Waddani ee Norway. Guddiga fulinta waa hay’ada maamul ee leh masuuliyada guud ee howlaha xisbiga Waddani mid siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba.
  • Sidoo kale waxaa jira/jiridoona guddi hoosaadyo heer gobol ay yeeshaan laamahu.

Tusaale ahaan laamaha xisbiga Waddani ee Norway:

  • Laanta Oslo iyo hareereheeda
  •   Laanta Stavanger
  • Laanta Bergen
  • Laanta Trondheim
  • Iyo laamaha gobolada kaleba.

 

Laamaha xisbiga Waddani ee heer gobol, waxaa laga codsanayaa inay si dhaqso ah u soo gudbiyaan xubnihii uga mid noqon lahaa Guddiga fulinta xisbiga Waddani ee Norway Insha allaa.

 

Waxaan uga baryeynaa xubnahaas masuuliyada culus ee loo egmaday in ilaahaw u howl yareeyo.

 

Ilaahay baa Mahad leh

G.fulinta X. Waddani ee Norway

By: Afahyeenka X. Waddani ee Norway