Agaasimaha Cusbitaalka Wayn Ee Magalada Gabiley DR Ridwaan Maxamed Cali ayaa casho sharaf Ku Maamuusay Xulka Gobolka Gabiley

Gabiley(GNN)Agaasimaha Cusbitaalka Wayn Ee Magalada Gabiley DR Ridwaan Maxamed Cali ayaa casho sharaf Ku Maamuusay Xulka Gobolka Gabiley Casho Sharafeedkani Ayaa  ka Qabsoontay Hoteel Caalami Ee Magaalada Gabiley

DSC01306

DSC01322

Munaasibadan oo uu Agaasiha Cisbitaalka Wayn ee Maglada Gabiley DR Ridwaan Maxamed Cali Ku Maamusay Ciyaartooyada Xulka Gobolka Gabiley Ayaa Waxa Ugu Horayn Ka Hadlay Tobobaraha Xulka Gobolka Gabiley Cabdi Cumar Awga Waxaanu Aad Ugu Mahad Celiyay Agaasimaha Cisbitaalka Gabiley DR Ridwaan Maxamed Cali Illeeye oo uu Sheegay inuu DR Ridwaan Hore uga Mid Ahaa Xulkii Gobolka Gabiley ee Tartankii hore ee Gobolada Somaliland ee Lagu Qabtay Gobolka Togdheer uu Ahaa Ciyaartoy Ka Tirsan Xulka Gobolka inbadana Ay Ka Wada Tirsanaanjireen Kooxda Booliska ee Caasimada Somaliland aad iyo aadna uu ugu Faraxsan yahay Casuumadaasi uu DR Ridwaan Maxamed Cali uu Casuumay Xulkiisii uu Hore uga Tirsanaanjiray Waxaan kaloon aad ugu Faraxsanahay Madama uu Tartankankii Isreebreebka ee uu Gobolka Gabiley Ka Soo Baxay isuna Diyaarinayaan Tartanka Gobolada Somaliland ee Dhawaan lagu Qaban Doono Caasimada Somaliland .Sidaa Waxa Yidhi Tobobaraha Xulka Gobolka Gabiley.

DSC01318

Agaasimaha Cisbitaalka Gabiley Dr Ridwaan Maxamed Cali Ileeye oo isaguna Halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay Inuu aad iyo aad ugu faraxsanahay kaalintii ay ku soo baxeen ciyaaryahanadda xulka Gobolka Gabiley isreebreebkii Gobolada somaliland , waxaanan leeyahay ha is dhiganina Waa inaad soo ban dhigtaan tartanka Gobolada ee lagu qabanaayo Caasimada Soomaliland Ciyaar aad Xirfadeedu u Sarayso islamrkana Taagerayasha iyo Cid Kasta oo Caalamka idinka Daawanaysa Soo Jiidata Illhayna Waxaan idiinka Baryayaa inaad Ku Soo Guulaysan doontaan Sanadka Koobka.

DSC01312DSC01325

Agaasimaha Cisbitaalka Gabiley Dr Ridwaan Maxamed Cali Ileeye Waxa Kale oo uu Qurbajooga iyo Gancsatada Reer Gabileyba ugu Baaqay in La Gacan Qabto oo La Dhiiri Galiyo Ciyaartooyada Xulka Gobolka Gabiley Waayo Waxay Tunka Ku Sitaan Buu Yidhi Magaca iyo Sumcada Gobolka Gabiley

DSC01333

Gabagabadii Waxa Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Ciyaartooyada Xulka Gobolka Gabiley oo Dhaamntood u Mahad Celiyay Agaasimaha Cisbitaalka Gabiley Dr Ridwaan Maxamed Cali Ileeye.

DSC01332

 

 

C/rasaaq Axmed Hayaan ilkacase