Aqlabiyada Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Kaga Jira Beelaha ARAB oo Taageero U Muujiyay Murrashaxnimada Madaxweynaha Ee Kijaandhe Iyo Hadhimo-Sharafeed Kulmisay

Hargeysa (GNN) Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Aqlabiyadda ergooyinka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE kaga jira beelaha ARAB, oo ay ku muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin murrashaxnimada madaxweynenimo ee Xildhinaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayey maanta isugu yimaadeen Hueelka Caydiid ee Magaalada Hargeysa.

???????????????????????????????

inkastoo kulankan warbaahintu dibadda ka ahayd hadana wararka laga helayo ayaa sheegaya,in kulankani isugu jirey Hadhimo-sharafeed iyo sidii taageero cududeed loogu muujin lahaa Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE,isla markaana beelaha Kale teegeero loogaga raadin lahaa.Waxaana ka soo qeybgalay 41-ka ergay ee Golaha dhexe ee Beesha ARAB kaga jira, kuwaas oo isugu jirey Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, Iyo weliba siyaasiyiin miisaan culus, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo isaga kala yimi gobollada Maroodi-jeex, iyo Burco.

???????????????????????????????

Kulankaas oo ahaa mid warbaahintu dibad joog ka ahayd marka laga reebo sawirro guud oo madasha laga qaaday, balse sida xubno ka qaybgalay sheegeen, lagana dheehan karo muuqaallada taswiirta waxa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Cadaalada Somaliland – Xuseen Axmed Cadiid, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Shugri Xariir Ismaaciil,Xogahaya Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf,Agaasimaha Wasaarada Beeraha Somaliland Cabdilaahi Caasi, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Maareeyaha Hay’ada Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) Jamaal Caydiid Ibraahim, Mulkiilaha Huteelka Hadhwanaag Restaurant Xasan Bulbul, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, Sahra Basbaaso, Nuura Dhalaax.

Waxaanay dhamaantood balan ku qaadeen inay taageero buuxda siinayaan oo Af iyo adinba ah Murrashax Kijaandhe,isla Markaana ay si buuxda uga hawlgalayaan kasbashada taageerada beelaha kale ee ku jira Xisbiga KULMIYE.

Waxaanu warku intaasi ku darayaa in gebogebadii Kulan loo balamay in la isugu yimaado shirar danbe oo hawlahan lagu dhaqaajinayo.

???????????????????????????????

Waxaanu kulanka madasha maanta uu kaga duwanaa kuwii hore ee lagu taageerayay murrashaxnimada Kijaandhe, Wax ka soo qeybgalay Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid,La-taliyaha arrimaha doorashooyinka Somaliland Maxamed Ibraahim Qabo, Xoghayaha Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf

Waxaana Hadhimo-Sharafeedan soo qabanqaabiyay Salaadiinta Beesha ARAB oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax,waxaana ku wehelinayay Suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi, Suldaan Xuseen iyo Suldaan Barre Xaaji Xuseen, kuwaas oo si isku mida u sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalka Casuumadan, isla markaana waxay

Dhinaca kale waxa madasha hadhimo-sharafeedan ka hadlay Siyaasiga Weyn ee Madaxa-banaan Cabdilaahi-JAWAAN,

Waa markii ugu horeysay ee ay kulan isugu yimaadaan ergooyinka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE kaga jira beelaha ARAB, waana arrin taariikhiya.

 

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE