Arsenal Oo Garoonkeeda Ku Xasuuqday Man United Xilli Ay Seddex Gool Ku Dhaliyeen 20kii Daqiiqo Ee Ugu Horeysay Ciyaarta.

Kooxda Gunners ayaa soo gabagabeysay sideed kulan oo aysan wax guul ah ka gaarin Manchester United iyagoo 3-0 ku xasuuqay kooxda Red Devils oo maanta marti ugu aheyd garoonka Emirates Stadium, waxaana ay seddexda goolba dhaliyeen 20kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay.

Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium ku soo dhawaysay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester united. Man United ayaa Emirates soo booqatay iyada oo doonaysay inay dib ugu soo laabato hogaanka horyaalka kadib markii ay City si ku meel gaadh ah ula sii wareegtay.

Laakiin kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa doonaysay inay dib ugu soo laabato tubta guusha kadib markii ay guuldaro ka soo gaadhay Champions leaque-ga.Kulankan ayaa labada kooxoodba aad muhiim ugu ah.

arsenlArsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed aan la rumaysan karin iyada oo markiiba ciyaarta gacanta ku qabtay isla markaana fursad abuuris iyo weerar halis ah ku bilawday difaaca iyo goolka Man United.

Arsenal ayaa heshay goolka hore ee ciyaarta daqiiqadii 6aad markii uu shabaqa soo taabtay xiddiga reer Chile Alexis Sanchez, 74 ilbiriqsi ka dibna waxaa isna shabaqa soo taabtay xiddiga Jarmalka Mesut Ozil kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-0 iyadoo kaliya ay socotay muddo todoba daqiiqadood ah.

Man United oo u muuqatay in goolal looga naxsaday ayaa awoodi weysay inay ciyaarta ku soo laabato, waxaana rajadooda dilay xiddiga reer Chile Alexis Sanchez kaasoo dhaliyay goolkiisii labaad ahaana goolkii seddexaad ee Arsenal daqiiqadii 20aad ee ciyaarta, taasoo ka dhigan markii ugu horeysay kulan Premier League ah in Man United seddex gool laga dhaliyay 20ka daqiiqo ee ugu horeysa ciyaarta.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay iyadoo ay Arsenal 3-0 ku hogaamineyso, natiijadaasna waxba iskama aysan bedelin qeybtii labaad iyadoo ciyaarta ay ku soo idlaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Arsenal kuwaasoo ku ciil baxay Man United ka dib guuldaradii ka soo gaartay Champions League isbuucii tagay.

Arsenal ayaa soo gashay kaalinta labaad iyagoo leh 16 dhibcood, waxaana ay isku dhibco yihiin kooxda ay maanta dubteen ee Man United iyagoo labo dhibcood ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee Manchester City.

 

 

GABILEY.NET