Badheedhaha Sirta Ku Duugan Kulan Gaar Ah Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo, Qasriga Madaxtooyada Xalay Kula Yeeshay Wasiirada Beeshiisa

Hargeisa-(GNN)-Madaxweynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay kulan gaar ah oo aad u xasaasi ah oo aan saxaafadda loo ogolayn oo ka dhacay xarunta qasriga madaxtooyada kula yeeshay Wasiirada xukuumadda kaga jira beesha Madaxweynaha, ee kala taageersanaa musharaxiinta Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, dhexdiisa.

Kulankan oo ay Madaxweynaha ku wehelisay Marwada Koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina Waris, waxa Wasiirada ka qeyb galay ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, Wasiirka Dib-u-dejinta, Cali Siciid Raygal, Wasiira dawlaha Kaluumaysiga, oo si cad ula safnaa musharxnimada garabka Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, Iyo Wasiirada Wasaaraddaha Macdanta Iyo Tamarta, Duulista Hawada, iyo Wasiirul dawlaha Waxbarashada, Xuseen Cabdi Ducaale, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo taageersanaa garabka Musharax Muuse Biixi Cabdi.

Waxa isla markiiba kulankan furay Madaxweyne Siilaanyo, oo sheegay lixdan Wasiir, in uu yahay Madaxweynihii dawlada dalka,, odaygii xisbul xaakimka KULMIYE, iyo odaygii beeshaba in ay si fiican u dhegaystaan una ayidaan si shuruud la’aan ah waxa uu ka doonayo.

Intaa Kaddib, sida ay noo sheegeen goob joogayaal, waxa uu Madaxweynu jeebka kala soo baxay warqad qoraal ah oo ay ku qoran tahay go’aanka iyo mowqifka Madaxweynahu uu ka taagan yahay loollanka dabada u soo baxay ee ka dhaxeeya garabyada musharixiinta Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, waxaanu si toos ah oo aan gabasho lahayn uu ugu soo qadimay Lixdan Wasiir, ee ay isku beesha yihiin, in ay si toos ah u taageeraan musharxnimada Muuse Biixi, isla markaana aan haba yaraatee loo baahnayn lana ogolayn isgarab yaac, sidaana ay ku aqbalaan, iyada oo la fulinayo ballantii ay labada beelood wada galeen, lana ixtiraamaa.

Wasiir Xirsi, ayaa Madaxweynaha weydiiyay in arrintan uu oo jeediyay ay ka tahay tallo iyo in ay tahay go’aan amar ah, balse,waxa uu Madaxweynuha iyo Marwo Aamina Waris-ba, ay u sheegay in ay tahay go’aan uu ka doonayo in ay qaataan oo ay sidiisa ugu hogaansamaan

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku dooday in mushtamac badani ku xidhan yihiin, taladaana aanay ku wada socon ee si kale wax u wadeen,arinta reerahana aan doodi ka taagnayn balse uu dadkiisi ay wax meel dhigteen ee ay isku mowqifka ahaayeen uu tallo kula noqdo, waxaanu ka codsaday Madaxweynaha in uu siiyo laba maalmood, balse Madaxweynaha ayaa ka diiday, una sheegay in ay sidaa ku aqbalaan, taas ayaana keentay in Wasiir Xirsi, iyo Wasiiradii kale eela mowqifka ahaaba ay aad uga cadhoodaan arrintan oo ay dabada uga baxaan kulankan, taas oo keentay in Wasiir Xirsi, Iyo wasiiradii kale ee la ologga ahaaba ay maanta si cad u shaaciyaan is casilaadooda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta, ayaa si cad u sheegay in Wasiiradan iyo kuwa kale ee damacsan in ay iska casilaan xilalka ay hayaan uu ka aqbali doono, isla markaana uu soo magacaabi doono badalkooda, waxaanu ku tilmaamay Madaxweynuhu in aanay is casilaadu wax dhib ah ku keenayn xisbiga iyo xukuumadaba, xaqna ay u leeyihiin in ay is casilaan, isaga oo ku sifeeyay xubno la jaan-qaadi kari waayay siyaasada xisbiga iyo xukuumadda.

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE