Ciidamada Maamulka Majeerteeniya oo Afduubay Gudoomiyaha Dorashooyinka Gobolka sanaag

Hargeysa(GNN) Ciidamada Maamulka Majeerteeniya oo Afduub ku kaxaystay Laba Urur Oo Wacyi-gelinta Diiwaan Gelinta Doorashooyinka somaliland ka shaqaynayey iyo Gudoomiyaha Komiishanka Gobolka Sanaag.

Ciidamo taabacsan maamul goboleedka somalia ee Majeerteeniya oo uu hogaminayo Taliyaha Ciidanka Maamulkaasi ee Ggobolka sanaag ugu magacaaban Cabdilaahi Cumar Cashuur, ayaa afduubtay Guddoomiyihii Komishanka doorashooyinka Gobolka sanaag ee Somaliland Axmed Ccali Xaaji Biixi iyo Laba urur oo kala shaqaynayey wacyi-gelinta doorashoooyinka oo uu hogaaminayey Cumar Jaamac Faarax.

Ciidamadan, ayaa la sheegay inay masuuliyiintan diiwaan gelinta doorashooyinka somaliland ka shaqaynayey iyo maamulka Komishanka somaliland ee Sanaag ka kaxaystay markii ay ka bexeen hadaaftimo oo ay doonayeen inay soo maraan deegaamada bariga sanaag.

Xubnahan diiwaan gelinta ka shaqaynayey iyo Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka somaliland Sanaag, ayaa la sheegay inay ciidamadaasi Majeerteeniyala tageen Magaaladda Badhan ee xarunta Ggobolka badhan ee somaliland, halkaas oo au ku xidheen, isla markaana illaa hadda ku hayaan.

 

Log1