DAAWO Xog Ururin:Tirada Masuuliyiintii Iska Casilay Xukuumadda Oo Dhan 12, Erayada Masuul Waliba Ka Yidhi.

Hargeysa(GNN)- Xukuumadda uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta u kala jabtay laba garab, iyada oo tiradii ugu badnayd garab kamid ahi ay gebi ahaanba iska casileen xilalkii ay ka hayeen xukuumadda.

Warbixinta Labaad:

Xubnahan oo isugu jira Wasiiro, Wasiir Xigeeno, Agaasimeyaal iyo Af-hayeenkii Madaxtooyada, tuhuno kalena jiraan in qaar kale ka daba tegi doonaan ayaa madaxwaynuhu warbaahinta ka caddeyey in uu buuxin doono jagooyinkoodii.

Arintan dudmada iyo la isu joojin maayo illaa hadda taagani, ma cadda cid illaa xilligan kaga jirta waanwaan iyo in meel dhexe la isugu yimaado.

Xubnaha illaa hadda iscasilay ee aanu hayno magacyadooda iyo xilalkay baneeyeen waxa ay kala yihiin:

  1. Maxamed Biixi Yoonis – Wasiirkii Arimaha Dibedda.
  2. Xirsi Cali X. Xasan – Wasiirkii Madaxtooyadda.
  3. Xusseen Axmed Caydiid– Wasiirkii Caddaalada.
  4. Dr. Cabdi Awdaahir – Wasiirkii Shaqada iyo Arimaha Bulshada.
  5. Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriy.
  6. Bashiir Cabdi Xariir – Wasiir Xigeenkii Ganacsiga iyo Maal.
  7. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir – W/X/ Shaqada iyo Ar.
  8. Cali Cabdi Saayiq – Wasiir Xigeenkii Hawlaha Guud iyo Guriy.
  9. Nimco Xusseen Qawdhan – Wasiir Xigeenkii Dub U Dejinta.
  10. Axmed Max’ud Nuur – Wasiir Xigeenkii Degaanka.
  11. Axmed Saleebaan Dhuxul – Afhayeenka Madaxtooyadda.
  12. Mawliid Weris – Agaasimaha Guud Ee W. Ganacsiga.

    Masuuliyiintani waxa ay si maqal iyo muuqaal ah u caddeyeen mowqifkooda iscasilaada iyo sababta kaliftay, iyaga oo kaga hadlaya halkan hoose:

Log11