Dadweynaha Reer Tog-Wajaale Oo Ka Biyo Ka Diidsan Dhaqdhaqaaqyada ay Wadaan Wadaadadii Gudida Hurumarinta Ee Baabiiyay Lacagtii Wadooyinka Ee Ganacsatada Laga Ururiyay

Tog-Wajaale(GNN)-Qeybo badan oo kamid ah dadweynaha kunool Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya kana tirsan Degmooyinka ugu Waaweyn ee Gobolka Gabiley,ayaa siweyn uga calool weydsan ugana dareen celiyay dhaqdhaqaaq ay indhawaale bilaabeen Gudi hore isugu magacaabi jirey Gudida Hurumarinta Degmada Tog-Wajaale oo xidhiidh la lahaa Maamuulkii hore ee Degmada Tog-Wajaale.

waj(2)

Dadweynaha Reer Tog-Wajaale Oo Biyo Ka Diidsan Dhaqdhaqaaqyada ay Wadaan Odoyaashii Gudida Hurumarinta Ee Baabiiyay Lacagtii Wadooyinka Ee Ganacsatada Laga Ururiyay ee Maamulka Degmada Tog-Wajaale ee xiligan oo mudo kooban xilkaasi hayay ay dacwad
uga gudbiyeen dhinaca Madaxtooyada taas, oo ay la fududeeyeen Laba Wasiir oo katirsan Xukuumada Wasiirada Beeraha iyo Warshadaha iyagoo, ay isla fahmi waayeen sida Wararku sheegeen Maamulka cusub ee Degmada Tog-Wajaale qorshayaal ay ka dalbadeen oo dhinaca dhaqaalaha kasoo xerooda Dakhliga Cashuuraha talaabadan oo ka cadheysiisay inta ugu badan ee dadweynaha Reer Tog-Wajaale ayaa, dhinacooda waxa ay dibada usoo saartey fadeexadaha ku lamaan musuqmaasuq xad dhaaf ah oo ay Xubnaha Gudidani ku talaabsadeen markii laga ururiyay Ganacsatada lacag aan ka yareyn Malyuun dollar oo lagu suntey in lagu dhisayo jidadka Gudaha Magaalada Tog-Wajaale haseyeeshee, hal kiiloo mitir in kayar laga sameeyay Gudaha Tog-Wajaale kaas oo aan laheyn Daamur laakiin ayaamahaasi la isla dhex marey in ay ka iibsadeen Iskarogooyin iyo Gaadiid kale, oo Gancasatada iyo Dadweynuhu aad uga xumaadeen Waxaana markii dambe la isku diiday in Gudi Reer Tog-Wajaale ah oo iyaga ka madaxbanaani ay Xisaab celin usoo bandhigaan arintan oo ay la kaashadeen Maamulkii hore ee Degmada Tog-Wajaale.

“Ragaa Maanta Sheeganaya Gudida Hurumarinta Tog-Wajaale waxey gaashaanka ku dhufteen in ay kala qeyb qaataan ololihii Kulmiye,Reer Wajaale iyagoo yidhi dooni mayno Mujaahid waana afar nin oo Masaajid Magaalada ah haysta islamarkaana dhinac kaliya ah ,waxyaabaha aanaan ilaawi karin waxa kamid ah hadaanu Reer Wajaale nahay,dhulkii Saylada ee ay iibiyeen iyagii iyo Maaamulkii Udib iyagoo dhawaana garoonka ay Wasiir Samsam deyrka ku wareejisey lacagaha ka bixiyeen oo ay doonayeen in ay qaataan, waxaanan ilaaweyn iyadana lacagtii malyuunka dollarka ku dhaweyd ee laga uriyey ganacsatada dalka iyo Ta Wajaale ee ay yidhaahdeen waxaanu ku dhisney sadex kiiloo mitir oo aan hada jirin oo aan daamur laheyn kiiloo mitirkii ay dhiseena,xisaab celintiina wey diideen markii Gudi ka madaxbanaan loo saarey,Dowlada maanta ka aqbali mayno in ay wado ka raadsadaan Maamulka labada bilood joogey,ee ay ka waayeen waxyaabihii uu u sharciyeeyay Maamulkii hore runtiina waa rag daacad ah Gudoomiyaha Tog-Wajaale oo usoo xadhko xidhey in uu Degmada wax muuqda u qabto”Sidaa waxa yidhi Cabdilaahi Xasan Mukhtaar oo kamid ah aqoonyahanka Degmada Tog-Wajaale.

kkkk(14)

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Dadweynaha reer Wajaale aqbali maayaan nimanka yidhi badhasaab iyo Wasaarad Arimaha Gudaha midna mari maynee Madaxtooyadaanu toos u galeynaa oo aanu dacwad geyneynaa waa arin xaaraan ah oo lagu daciifinayo hoosna loogu dhigayo hurumarka Wajaale waxaaney dacwadan aan habeen loo kaadinin ay natuseysaa in Musuqmaasuqii hore la raadinayo, ma waxeynu aqbali karnaa Cabdi Saleebaan ayay ragaynu ogeyn Maamulka Degmada la doonayaan waa arin xaaraan ah”.Ayuu yidhi.

“Wajaale waxa maanta ceeb ku ah in labada Kiiloo mitir ee wadadii Xukuumadu dhistey ka hadhsan ee Gudaha Magaaladu ay qaawan tahay oo baabuurtu ku rogmaneyso,waxaana sabab u ah odoyaashaa, xataa baabuurta juwanka u sameystey ee aan maanta raad muuqda laga hayn ee dantooda iyo musuqii u meel raadinaya wali in ay dhuuntaan ayey aheyd ee may aheyn in ay hadana wax kale raadiyaan maanta,Maxamed Aw Daahir(Wasiirka-Beeraha), waxaanu leenahay yaanu ku qaban nabsiga Wajaale markii aanu Siilaanyo kursiga la doonaynay waadigii direyska noo soo xidhay adigoo udub u dagaalamaya, shuceybna waxaanu leenahay deyntii aad Gabiley ku goysey ayaa, markhaati u ah ta aad Wajaale koox ugu daba socoto maanta oo musuqmaasuqu ceeb kuguma aha”Sidaana waxa yidhi Axmed Rooble Faarax oo kamid ah Dadweynaha Reer Tog-Wajaale.

waj1

Sikasta oo ay tahey waxa xiligan ka muuqda gudaha Dadweynaha ku nool Magalada Tog-Wajaale niyad xumo culus maadaama ay Xukuumada dhexe ku canaanayaan in loo afduubo masuurka Degmadaasi afar Wadaad islamarkaana, loo dhageysto Musuqmaasuq ay hada filayeen in ay kasoo kabtaan oo qiil loo raadinayo, iyagoo fara madhan ka taagan durbaankii lagu urursadey lacago badan oo aan wax muuqdaa ka hadhin.

Gabiley.Net
Gabiley Office