Dawlada Uganda Oo Qorshaynaysa Inay Joojiso Tababarka Ay Siiso Ciidamada Dalka Somaliya

Dawlada dalka Uganda ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso tababarka ay siiso ciidamada dalka Somaliya.

Warbixin ka ay soo saartay xukuumada dalka Uganda oo lagu baahiyey warbaahinta dalkaasi ayaa lagu cadeeyey in masuuliyiinta dalkaasi dood ka yeesheen sida uu ku socon karo tababarada ay siiyaan ciidamada dalka somaliya.

Sababta ugu weyn ee ay dawlada Uganda u cuskanayso joojinta tababarka ay siinayso ciidamada dalka Somaliya ayaa lagu sheegay intay ka cabsi qabto in marka ay ciidamadu tababarka dhamaystaan ay ku biiraan xoogaga ka soo horjeeda dawlada fadaraalka ah ee somaliya, iyada oo uu jiro culays dhaqaale oo haysta hawl galka Amisson.

Warbixinta lagu baahiyey warbaahinta Uganda ayaa lagu yidhi “Xukuumadda Uganda waxay joojinaysaa tababaridda ciidamada Somalia oo ka mid ahaa qorshaheeda ay qaybta uga tahay howlgalka ururka Midowga Afrika ee AMISOM,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Mas’uuliyiinta Uganda ayaa laga soo xigtay in tiro badan oo askartii ay tababareen ka mid ah aysan hadda shaqeyn oo ay ciidamada ka baxeen, taasoo keenaysa in shaqada la joojiyo; iyadoo uu jiro heshiis ay QM og-tahay oo ah in la tababaro ciidamada Somalia.

 

 

GABILEY.NET