Dib U milicso Taariikhda “Adoo male gudayaad yaqiin marar ku gaadhaaye….”, Xaaji Aadan Afqalooc (AHUN)

Taariikhdu waa inoo misbaax maanka caawimee

Adoo male gudayaad yaqiin marar ku gaadhaaye, Xaaji Aadan Afqalooc (AHUN)
Waxa dad badan oo arrimaha somaliland u kuurgalaa ay leeyihiin somaliland arrinkeeda waxa laga filayaa doorashada soo socota sidan:
Taariikhda ayaa marmar badan isa soo celisa iyada oo sideedii ah sidaas awgeed markaad taariikhdii SNM ku laabato doorashadii ugu dambaysay waxay wax u dhaceen sidan soo socota:
1- waxa kursiga ka tagaayey Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
2- waxaa doorashadaas ay wadatay beesha galbeedka burco mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali( tuur) Alle ha u naxariistee
3-Waxa beesha saaxil ilaa subulaha u sharaxnaa laba musharax oo kala ah 1-Ibraahim Maygaag Samatar Alle ha u naxariistee 2- Maxamed Xaashi Cilmi, taariikhdaasi waxay dhacday 1989,goobtuna waa balli- gubadle, waxaanay halkaasi guushu ku raacday mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali alle haw naxariistee.codadka uu meesha ka qaatayna waxa la sheegayaa inay siiyeen dadkii reer Gabiley waqtigaa Golaha dhexe ee SNM ugu jiray,haddaba maantana waxa la filayaa ( ilaahay ayaa waxkasta oge banii aadamku wuu saadilayaa kaliyaata) sidan soo socota:
1- kursiga jamhuuriyada waxaa ka tagaaya siilaanyo laftiisii
2-beeshii galbeedka burcaadna waxay wadataa Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi cirro ( ka horena waa cabdiraxmaan tuur)
3- beeshii subalaha ilaa saaxilna waa sideedii hore oo waxa meesha boodaya muuse biixi iyo biixi yoonis,, maantana waxaa jira aqoonyahano faro badan oo reer gabiley ugu jira xisbiga waddani kuwaasina waxay taageeri doonaan cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro, sidaasi ayay filanayaan dad farobadan oo wax indha indheeya, waxaase dhici doonta waxa ilaahay dadkani la doonayo ee maaha waxa dadku doonaan oo kaliyaata,