Farshaxanka Aamin Caamir Oo Sawir Ku Muujiyay Saamaynta Ethiopia Ku Leedahay Maamulka Muqdisho iyo Xadhiga Suxufiyiinta Universal

Muqdisho(GNN)Waxaa weli xabsiga ku jira agaasimihii Tv-ga Universal ee Bariga Afrika C/laahi Xirsi Kulmiye iyo weliba Wariye Cawil Daahir Salaad, kuwaasoo ay xabsiga dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya. Wariyeyaasha oo looga yeedhay xarunta nabadsugida ayaa markii ay tageen xabsiga la dhigay.

amiin

Madaxa wararka telefishinka Universal Max’ed Xaaji Axmed (Cagamadhige) ayaa sheegay in xadhiga wariyeyaashu ka danbeeyay barnaamij DOODWADAAG ah oo ka baxay Tv-ga, kaasoo ay ku doodayeen laba xildhibaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo weeraray siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya.

amiin1
Xadhigan oo sidoo kale ay cambaareeyeen ururada saxaafadda Somalia, waxaa sawirro ka sameeyay farshaxanka Aamin Caamir oo muujiyay sida Ethiopia door firfircoon uga ciyaarayso maamulka Somalia, islamarkaana uga soo horjeedo cid kasta oo soo hadal qaada ku lug lahaanshaheeda arrimaha Somalia.

amiin3

 

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE