Gabay: GEESI iyo GALLAD EEBBE

Hargeisa(GNN):-Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo gabay ku cabiray siyaasadda Kulmiye ka curatay

Gabaygan oo uu curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, wuxuu ka hadlayaa xaaladda siyaasadeed iyo tartanka ka dhex curtay xisbiga KULMIYE, taariikhda iyo dadaalka uu u soo maray Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, deegaamada iyo gobollada taageeray guddoomiyaha xisbiga iyo abaalka uu sii gashaday, go’aanka Madaxweynuhu qaatay iyo guuldarrada ku timi raggii kale ee loollanka kula jiray.
Gabaygan oo abwaanku tiriyey dhawr toddobaad ka hor intaan qaraxan siyaasadeed ee weyni soo bixin kulmiye,wuxuu noqonayaa saadaal rumowday iyo guhaanka abwaanku sii arko

.Abwaan Sacad
Abwaanku wuxuu yidhi sidan:-
1. Galladaada eebbow adaan, cidina gaadhayne
2. Adaa dunida guudkeeda idil, nagu gargaaraaye
3. Raxmaddaada gaar iyo mid guud, laga geyoonnayne
4. Afartaasi khayr gogol dhigiyo, guudmar kaygii dhe
5. Imikana bal aan soo gelbiyo, middan la guuxaayey
6. Libaax wuu yaqaan kii ganiyo, kii galladay waaye
7. Geesina sidoo kale ayuu, garasho yeeshaaye
8. Waxaad soo gignaataba rag waad, gudubtay xeeshiiye
9. Waxaad gododka booraan qafilan, gees ka dhaafaysay
10. Ama gagi abaar iyo cidladi, gaadada u jiiftay
11. Ama aad galgalad iyo dagaal, jiidha guuraysay
12. Ama gaajadaad golongalkii, caday gasiin mooday
13. Gaawaytadoo madhan waxaad, gaasas carinaysay
14. Guubaabadaad dhabar adayg, gawska u qaniintay
15. Markay guushu dhalatiyo markaan, goonnida u soocnay
16. Guurtida markaad dhagax dhigtiyo, gulufki yeedhaayey
17. Galladani ninkii celin ayaa, gool cad kuu qaliye
18. Waa godob nin muusow markani ,garab ka weydaaye
19. Ninka guulwadeeyaa mar kale, maanka geli waaye
20. Rag gaashaan bir weeyiye kolkuu, guusha dhicinaayo
21. Wuxuu gebi dhacleeyaba kolbuu, goolka dhalliyaaye
22. Kama gaadho geed sare nimaan, tacab ka gaadhayne
23. Guul ooman waxa loo dhaxaa, geediyaal badane
24. Guyaal badan waxaa loo maraa, guuro bahaleede
25. Gidaar adag waxaa laga jafaa, gebi ku xeernaaye
26. Gocondhiyo mar baa gaade badan, garab ku gooyaaye
27. Gacan iyo gargaar niman lahayn, gudub ku eegaane
28. Gurigood ba’ qaar badan marbay, kuu gabbinayaane
29. Garta hadal la qaadaba marbay,kuu gafaayaane
30. Wax ku guba hankaa oo goblama, geydha ladi weydo
31. Geed sare raggii koray marbay, hadalka kaa goyne
32. Adoon galabsan eedayn marbay, kaa ganbinayaane
33. Rag nimaad gunnaysaa marbuu, gaabis kaa noqonne
34. Nimaad gurada saartaa marbuu, goonni kaa faqiye
35. Ginni lacag marbay kaa duddaan, gabi masayr koode
36. Gommadaha marbay kaa cunnaan, nacas gun weeyaane
37. Gallad nimaad ka eegayn mar buu, geedsan kuu noqone
38. Uu kuu garaabaa waxaad, garasho doontaaye
39. Rag nin soo guddoonshaa yaqaan, noocyaduu gala’ e
40. Gurgushaa sidii baad wax badan, gurada saartaaye
41. Nin is gaabshay mooyee nin kale, gooha ladi waaye
42. Nacas baa gol-nuuge nin raggii, kaama gaabsada e
43. Gaashaamo nimankaa degiyo, bananka gaaroodi
44. Burco iyo galbeedkeeda iyo ceeri gudda heeda
45. Gob weeyee halkii gole la yidhi, gobo’da hiilkooda
46. Carroogay garaaceen wakaa, giidi soo kacaye
47. Beer iyo yirroowiyo gar adag, gaar usoo baxa, e
48. Hadday gorof maggaabin hanbadaa, kalama guuraane
49. Gadhwadeena talliyaan oggahay, oo gar qaad wacane
50. Waxaa gocasho loo yidhi abaal, gudida weeyaane
51. Alle geesi weeyiye intuu, kaahin garab joogay
52. Ruug caddaa gu’ weyn baa raggii, seef la soo galaye
53. Garaadkiisa oo saxa go’aan adag guddoonsiiye
54. Gudgudaha sidii roob wuxuu, galowgu ooyaayo
55. Ninka guuldaraystaa wadnuhu, gawda ladi waaye
56. Gurmagoo in badan bay warmaha, nagu garaaceene
57. Afartaa gam siiyaye midkale, idin garwaaqsiine
58. Dadka guudka boorama degiyo, gacal wadaageena
59. Iyaguba hadday gawda tahay, garab rag weeyaane
60. Go’aankay mar qaataan haddana, kama gamiimaane
61. Gunburaha raggaa hawd ka xiga, geella wada maalno
62. Haantaba guntaa laga unkaye, gaadh ma kugu xeermay
63. Girriyaad bankiyo geerrisiyo, guban ilaa saylac
64. Wax la soo gucleeyaba markani, kuma gumeeyaane
65. Saaxil kaama guurta e waxay, guddi abaalkiiye
66. Ragga gobboladaa sool degiyo, geyiga buuhoodle
67. Weligood nin geesiya agtood, gawrac laga giigye
68. Sayidkii raggii goob la galay, ee gunnimo diiday
69. Gumaysigi shisheeyaha raggii, gamaska tuuraayey
70. Gabbaad weeyi goortaad darwiish, soo galbinayaaye
71. Cabdow goob xun kuma dhigo haddaad, garato taariikhe
72. Afar kale waxaan guud mar idhi ,gacale waayaabe
73. Anoo soo gunaanaday murtida, gees yar ka iftiinshay
74. Waxaan uga golleeyahay nin raggi, wuu i maan garane
75. Weligii rag waa goob xun joog, galalaf weerkeede
76. Geedkuba hadduu xidid adkayn, way gilgilayaane
77. Gal dad liqa ul baa lagu deyaa, teer intaad geline
78. Waa lagu gubtaa digo kolkay, dhamac guntii taalle
79. Muujad guuxday doonidu marbay, kula gadoontaaye
80. Gab intaanad soo odhan guntaa, laga sal gaadhaaye
81. Lama guuxo xaajow adoo, sahan ku guurayne
82. Hadduu geeddi niman kuu furayn, gibisha kuu saaro
83. Goor danbaad ogaataa godkaad, qaladay goodow’e
Abwaan Sacad Axmed Xasan (Roodhiile)
Tel. 0634420532 email: saadroodhiile@gmail.com