Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Ku Dhaawaqay Inuu Shaqaalaha Dawladu Fasax Yihiin Maalinta Bari Munaasibada Sanadka Cusub Ee Islaamka Awgeed

Hargeysa(GNN):-Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha somaliland Maxamed Mixile Boqore ayaa ku dhaaway inay guud ahaanba shaqaaluhu fasax yihiin maalinta arbacada ah oo ku beegan sanadka cusub ee Islaamka.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladu waxa uu sheegay inay shaqaaluhu maalinta khamiista ah dib ugu soo noqon doonaan shaqadooda, waxaanu guud ahaan hanbalyo u diray shaqaalaha dawlada .

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladu waxa kale oo uu hanbalyo gaadhsiiyey madaxweynaha somaliland, madaxweyne ku xigeenka iyo xaasaskooda iyo guud ahaan shaqaalaha waxaanu ilaahay uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE