Gudoomiye Cabdirahman Ciro Oo Si Balaadhan Maanta Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Helsinki Ee Dalka Finland

Helsinki(GNN) Waxa maanta safar shaqo ah kusoo gaadhay dalka Finland Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Waxaana garoonka diyaaradaha ee Helsinki kusoo dhaweeyay jaaliyadda Somaliland ee degen waddanka iyo taagerayaasha xisbiga WADDANI.

FW2

Gudoomiye Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi waxa safarkiisa ku weheliyay gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee laanta Finland Mudanne Abdirahma Ibrahin Carten oo muddoba ku sugnaan dalkii hooyo ee Somaliland.

Inta uu gudoomiye Cabdirahman Maxamed Cabdillahi (Cirro ) ku suganyahay waddanka Finland ayaa wuxuu la kulmi doonaa madaxda waddanka Finland iyo masuuliyiin faro badan oo aad u xiiseeya arimaha dimuquraadiya iyo dooroshooyihka Somaliland.

FW1(1)

Waxay uu gudoomiye Cirro xidhiidh fiican uu la leeyahay madaxda waddanka Finland wuxuuna si qoto dheer ugala hadli doonaa siday uga taageeri lahaayeen jamhuuriyadda Somaliland dhinacyadda dorooshooyinka iyo ictiraafka Somaliland.

FW3

Sidoo kale waxaa uu Gudoomiye Cirro uu la kulmi doonaa taagerayaasha xisbiga WADDANI ee ku dhaqan goboladda Finalnd iyo jaaliyadda Somalilande e waddanka Finland.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani

Laanta Turku/Finland