Hanka Iyo Hiigsiga Samaale Saaka Muu Bilaabmin!…W/Q:- Abdi Wahaab Mohamed

Hargeisa(GNN):-Cabdi casiis maxamad samaale waxa uu ka mid yahay siyaasiinta miisaanka kule dalka gaar
ahaan xisbu xaakimka kulmiy.. waxana uu ka midyahay murshaxiinta ugu cadcad ee isku
diyaarinaya tartanka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye.
Qormadan aan ugu magacdaray ( HANKA IYO HIIGSIGA SAMAALE SAAKA MUU
BILAABMIN)…………………………
Waxaan ku iftiimin doonaa sooyaalkii siyaasadeed ee uu soo maray (SAMAALE) waxaan ka
istaagi doonaa dhinacyo kala duwan..
Xiligii lagu jiray halgankii dib loogu xoraynayay dalka waxa uu ahaa SAMAALE gudoomiyaha
jaaliyada ee dalka yeman, waxana uu ka qayb qaatay dhaqaalihii lagu maal galinayay
halganka.sidoo kale waxa uu gacan ka gaystay in dalka yeman lagu xanaaneeyo dhakhaatiir
fiicana ay halaan dhaawacii ragii ku dhaawacmay halganka.
SAMAALE.waxa uu ka qayb qaatay nabadayntii iyo xalintii dagaaladii sokeeye ee 90kii ka
dhacay dalka sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay hubka dhigistii beelaha iyo dib u
DHANKA HORMARINTA IYO WAXBARSHADA:-
SAMAALE.waxa uu ka qayb qaatay hormarinta bulshada waxa uu hormuud ka ahaa
aasaasayaashii ischoolada caanka ah ee ILAYS xili ay bulshadu ubaahnayd.. sidoo kale waxa uu
aasaasy xiligaa dugsi lagu barto farsamada gacanta ayna ka qalin jabiyeen dad aad ubadan oo
manta xirfadooda ku shaqaysta…
Waxa uu hormuud ka ahaa ragii dib uhabaynta ku sameeyay jaamacada hargaysa
…………………………………
Taariikhdu markay ahayd 2002 SAMAALE waxa uu ahaa shirgudoonkii shirkii golaha dhexe ee
xisbiga kulmiye laguna dooranayay murshixii xisbiga ee xiligaa oo ah madaxwaynaha hada
talada dalka haya………….. sidookale waxa uu ahaa madixii ololaha xiligii xisbiga kulmiy uu
ku jiray ololihii adkaa ee uu ugu jiray qabashada hogaanka dalka..
Taariikhdu markay ahayd 2003 waxa uu SAMAALE isku soo taagay inuu utartamo tartankii
golaha wakiilada waxana uu kamid noqday xubnihii ugu cadcadaa uguna cododka badnaa isla
xiligaa waxa uu marlabaad isku sharaxay shirgudoonka golaha wakiilada waxana uu noqday
gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada waxa laggu xusuusan karaa intii uu
shirgudoonka ahaa wax khilaafii kamuu dhicin golaha haba yaraatee .
Taariikhdu markay ahayd 2013 waxa uu SAMAALE noqday wasiirka wasaarada maaliyada
waxana uu xaqiijiyay intuu ahaa wasiirka waxyaaba badan oo kamida balan qaad yadii
xukuumada.. sidoo kale waxa sare u qaday miisaaniyada iyo dhaqaalaha dalka guud
ahaan..xiligaa uu hayay xilka wasaarada waxa uu samaale horgeeyay golaha wakiilada lix xisaab
xidh waxayna gudoonsiiyeen goluhu shahaado sharaf aay ku maamuuseen
Taariikhdu markay ahayd 2015 SAMAALE waxa loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo
tacliinta sare wuuna ka cudur daaratay sababo isaga khuseeya iyo mustaqbalkiisa iyo hiigsigiisa
Waxa lagu xusuusan karaa xiligaa uu ka cudur daartay ama uu diiday inuu qabto xilka wasaarada
waxbarashada sidii sharfta iyo karaamada lahayd ee uu ugatagay isagoon caytamin af xumana
samayn sida lagu yaqaan siyaasiyiinta marka xilka laga qaado inay afka furtaan ….. waxayna
arintaasi kor uqa aday milgihiisa iyo sumcadiisa waxana uu ku kasbaday taageero farabadan…..
SAMAALE Maantana waxa uu taaganyahay isaga oo isku kalsoon tartanka murashaxa
madaxwaynaha ee xisbiga kulmiye oo lafilayo inuu dhawaan qabsoomo …HADABA HANKA
IYO HIIGSIGA SAMAALE SAAKA MUU BILAABMIN!!! LASOCO qaybta dane
Qalinkii: Cabdiwahaab Maxmed mawlid