Hawda Somaliland iyo Somaliya oo la Sheegay inay Sannadkii ka soo Xarooto Lacag badan.

Muqdisho (GNN) Dawlada Somaliya ayaa Dhawaan magaalada Muqdisho ka dhagax dhigtay dhismaha xarun ay ku sheegen in ay saldhig u noqon doonto in hawda Somaliya laga hago, waxa kale oo ay sheegen in Hargeysa laga dhisidoono xarun kale oo lagala socondoono Hawda Somaliya, inkasta oo Somaliland aanay illaa wakhtigan ka jawaabin warkaasi ka soo yeedhay Somaliya, balse waxa markii ugu horeysay ka hadlay Xidhibana ka tirsan Dawlada Somaliya oo ah Guddoomiya guddiga Howlaha guud ee Baaralamaanka(Tamarta, garoomada, Dekadaha iyo Gadiidka) Xildhibaan Cabdirashid Cabdullahi Maxamed waxaanu soo badhigay lacagta ka soo baxda Sannadkii Hawda Somaliya waxaanu ku sheegay in ay dhan tahay 20 Milyan oo Dollar, waxaanu tilmaamay in marka laysku geeyo shan iyo laabtankii Sanno ee Somaliya dawlad la’aanta ka jiray ay ka soo xaroortay lacag dhan 400 Milyan isla markan loo bahan yahay lacagtaasi la soo ururiyey in dib loogu soo wareejiyo Somaliya.