Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Shirwaynaha Kulmiye,Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye U Taagan Isaga Oo Siilaanyo Musharax Ah.

Hargaysa(GNN)Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa ka hadlay Shirwaynaha Xisbiga oo ay Qaban-qaabadiisa ku jiraan,waxaana uu rajo wacan ka muujiyay in Shirkoodu u Qabsoomi Doono Si aan Xasarad lahayn.

Jaamac Shabeel ayaa sheegay in dadka Sii Falan qaynaya Shirwaynaha xisbiga Kulmiye inaan Dhag loo dhigayn,isaga kulmiye ku sheegay xisbi guun ah xisbiyada kalena u Horseedi doono Dimuq-raadiyada.

jaama.(1)

Guddoomiyaha Gola Dhexe ayaa ka hadlay musharaxiinta Xisbiga Kulmiye u tartamaya isaga oo madaxwayne Siilaanyo sheegay inuu yahay musharaxa Xisbiga Kulmiye waxaana uu yidhi.

“Sidaad Ogtihii Shirwaynahii Kulmiye Waxa uu Qabsoomayaa 10 November,waxaanan Rajaynaynaa Sida uu Qorshahu yahay ku qabsoomi doono Tariikhdaas loo cayimay,imikana Hawsha aanu xisbi ahaan Gacanta ku haynaa waxa weeyaan Sidii Shirkaasi wakhtigiisa ugu qabsoomi lahaa isaga oo xasarad la’aan ah,waayo xisbigani waa xisbi balaadhan,waa mid umada oo dhami eeganayso,waana Xisbi Aanu Doonayno inuu Dariiq Wanaagsan u Jeexo Dimuq-raadiyada Somaliland.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo Hadalkiisa Siiwata Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel waxaana uu yidhi.”Shirkan waxaanu ka ilaalinaynaa In ay wax dhibaato ahi soo food saraan,anaga oo Markasta ka shaqaynayna Sidii uu si wanaagsan ugu dhamaan lahaa,hawsha kaliye ee Xisbi Ahaan nootaalaa waa Hawshaas Gacantana Waanu ku Haynaa.

Shirwaynaha Kulmiye ee Lagu kala Saarayo Cidii Musharaxa u Noqon Lahayd Xisbiga Kulmiye ayaa Jaamac Shabeel ku sheegay in golaha dhexe yihiin Xubno Cayiman oo lagu Doortay Shirwaynahii Kulmiye,Noqon Doonaana Kuwa kala Saara Cid kasta oo Leh Han Madaxwayne waxaana uu yidhi.

“Golaha dhexe waa Xubno Cayiman oo loo Garanayo Hebal iyo Hebal,Xubnahaas waxa doortay Shirwaynahii Hada,Mana Aha Ergooyin Cusub oo la keenayo,waana Xubnihii golaha Dhexe ee Xisbiga,Cida markaas musharaxiinta ah iyaga ayaa kala Saari Doono Marka lagaadho Shirwaynaha,Lakiin anagu waxaanu ka shaqaynaynaa Sidii Shirkaas si wanaagsan ugu qabsoomi lahaa.

Geesta kale waxa uu ka hadlay Jaamac Shabeel Musharaxiinta Shaaciyay Hankooda Madaxwayne,isaga oo Teeramkiisii Labaad Aanu dhamaysan Madaxwayne Siilaanyo waxaana uu yidhi.

“Walaahi Hortu qofku xaq ayuu u leeyahay oo Xubin Kasta oo Golaha Dhexe Ka tirsani xaq ayay u leedahay in ay isa sharaxdo oo cidna ma odhan karo Maxaad isku sharaxday,Qofkuna isaga ayaa Xaq u leh inuu isa sharaxo iyo inaanu isa soo sharaxin,mar hadii uu xubin yahay sharciga xisbiguna u ogol yahay,xaqna waa uu u leeyahay inuu isa soo sharaxo cid u diidi kartaa Majirto.

intaas waxa uu raaciyay isaga oo kasii hadlaya inuu isagu Jaamac Shabeel ahaan Han leeyahay waxaana uu yidhi.”Musharaxa Hada Laga hadlayaa Waa musharaxiintii Madaxwaynaha ee xisbigani Dooran Lahaa,Musharaxa Kaliye ee hada Lasoo saarayaa waa kaas uun,Cid kale oo lasoo saarayaa Maanta oon kuwaas ahayni Majiraan,Waa madaxwayne iyo Ku xigeen kaliya.
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE