Jabuuti iyo Itoobiya Oo Kala Sexeexday Heshiiska Mashruuca Dhismaha Dhuumaha Shidaalka

Newyork(GNN)-Labada dal ee Itoobiya iyo Jabuuti ayaa, kala sexeexday heshiis cusub oo ku wajahan Qorshaha Mashruuca dhismaha Dhuumaha Shidaalka,gaasta dabiiciga ah ee laga soo qaadi dalka Itoobiya taas, oo ka gudbeysa ama lagu sii hagaajin doono Dalka Jabuuti.

ethiopia djibouti

Qorshaha Heshiiskan oo ay u dhamaayeen labada Dowladood masuulyiintooda sare islamarkaana, ku qabsoomay Wadanka Mareykanka, ayaa waxa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Raysalwasaaraha Itoobiya hailemariam desalegn,iyo Wasiirada Macdanta iyo Tamarta dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, Sidoo kalena Heshiiska Qorshahan ay Jabuuti iyo Itooobiya ku kala sexeexdeen Dhismaha Dhuumaha Shidaalka Waxa qeyb ka ahaa Shirkad Mareykan Black Rhino oo kamid ah Shirkadaha Batroolka iyo Gaasta soo saara.

saliid

Mashruucan ayaa lagu qiyaasay mid ay ku baxeyso hanti adag oo ay damaanad qaadey Shirkadaasi soo saareysa Saliida, kaas oo noqonaya Mashruucii ugu Cuslaa ee ay qalinka ku wada duugaan Raysal-Wasaaraha Cusub ee Itoobiya xiligan Hailemariam Desalegn,iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele,waxaana muuqta in ay hada Itoobiya iyo Jabuuti kuwada socdaan Siyaasad ka qabow tii xiligii Raysal-Wasaarihii hore Meles Zenawi oo ay arimaha Siyaasada Soomaaliya ku kala aragti duwanaayeen Madaxweyne Geele.
 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE