Kenya, Somalia iyo Al-shabaab Oo Warar is Khilaafsan Ka Soo Saaray Sida Loo Soo Furtay Haweenay Dhawaan La Qafaashay.

Nairobi(GNN)–Xukumadda Somalia, Kenya iyo Al-shabaab ayaa warar is khilaafsan ka soo saaray haweenay dhawaan laga Afduubtay meel u dhaw Xeryaha dhadhaab oo la sheegay in shalay la soo furtay. Somalia iyo Kenya ayaa midba dhankeeda sheegatay inay dagaal ku soo furteen haweenayda, balse Al-shabaab waxay sheegtay inaanay jirin haweeynay ay qafaalatay.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Judy Mukowme Mutua ahaydna macalimad wax ka barta xerooyinka Dhadhaab islamarkaana ay Isniintii  kooxo hubeysan soo afduubteen  ayaa Jimcihii dib loo soo furtay, inkasta oo aan si madax banaan loo ogayn cida fulisay hawlgalka lagu soo furtay.

Taliyaha ciidamada ammaanka Dhoobley Col Heeybe Axmed C/laahi ayaa sheegay in haweeneydani ay baadigoob ugu jireen mudo dheer, subaxdii Jimcahana  ay ka warheleen in laga soo gudbiyay soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, halkaasna ay hawlgal ka sameeyeen ciidamda Jubbaland iyo Amisom.

“Xuduuda marka ay kasoo gudbeen ayaan ka warhelnay kadib ciidan kamid ah ciidamada Jubbaland ayay u suurogashay in ay iska horyimaadaan dablaydii, kadib waxaa dhex martay israsaaseyn xooggan, intaa kadib ayaan ciidankii xoojinnay, afarta jihana ciidan ayaan ka dhignay si ayna u baxsan,” ayuu yidhi taliyuhu.

Haseyeeshee sarkaal sare oo ciidamada booliska Kenya ka mid ah oo lagu magacaabo Cumar Shuuriye Ibraahin, ayaa wariyaha VOA ee waqooyi bari Kenya u sheegay in ciidamada Kenya Somalia ka codsadeen inay ogolaansho u siiso inay gudaha Somalia ka soo furtaan haweeynayda sidaasna ay Somalia ku soo galeen  inka badan 40KM oo ay gabadhaasi soo furteen.

“Kadib markii ay la tageen haweeynayda, waxaanu ciidanka Somalia ka codsanay inaanu galno Somalia, way ogolaadeen, habeenimadii baanu galnay, waxaanu ka helnay meel xuduudka u jirta 48Km dagaal baa dhacay, mid ayaa kaga dhintay, Askari Soomaali ah oo nala socday wuu dhaawacmay, yar ay dhadhaab ka afduubeena wuu cararay gabadhiina iyadoo bad qabta ayaanu gacanta ku soo dhignay, sidii baanu ku soo noqonay oo aanu dhooblay ku nimid,” ayuu yidhi taliyahani.

Haddaba Al-shabaab ayaa beenisay wararkan, waxayna sheegtay inaanay jirin wax afduub ah oo ay gaysatay. Balse ciidamada Jubland iyo kuwa Kenya ayaa sheegaya in Al-shabaab afduubka gaysatay, inkasta oo iyaguna isku khilaafeen sida loo soo furtay haweeynada, maadaama kuwa Somalia sheegayaan inay ka hortageen kooxda oo xuduuda kala soo talowday haweeynayda, halka ciidanka Kenya sheegayo inay soo raadsadeen ilaa 48Km.

Log1