Khilaaf Huursan Oo Ka Dhex Qarxay Gudoomiyaha Cusub Ee Jaamacada Hargeisa Iyo Shaqaale Hoosaad Caadeystay Xaalad Abuurka Jaamacada.

Hargeisa(GNN):-khilaaf hor leh ayaa durba laga soo soo sheegayaa inuu ka bilaabmay maamulka Cusub ee Jaamacada Hargeysa iyo shaqaalaha Jaamacadaasi.

Jaamacada Hargeysa ayuu maamul cusubi la wareegay dhawaan kadib markii khilaaf ba’an oo ka dhex curtay boodhka jaamacada uu sababay rabshado iyo gacan ka hadal ay sameeyaan qaar ka mid ah ardayda Jaamacada, taas oo aakhirkii keentay in shaqada laga eryo Gudoomiyihii Jaamacadaas iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha gaar ahaan Macalimiin wax ka dhigaysay Jaamacadaasi.

Jaamacada Hargeysa ayaa waxa gudoomiye ka ah wakhti xaadirkan Mahdi Cismaan Buuri, waxaana ilo wareedo uu helay shabakada Xogreebnews ay sheegayaan in durtaba ay gudoomiyaha ku kaceen qaar ka mid ah shaqaale waaxeeyada gaar ahaan waaxad maamulka iyo lacagta oo iyagu sida dad badani sheegeen wakhti kasta khilaafaadka jaamacada kusoo noqnoqday sabab u noqda, Waxaana Kooxdan Oo Dhalinyar aan waayo arag ahayn u badan ay isku dayeen hadda in gudoomiyahan cusub ay ka horyimaadaan amaawiirtiisa iyagoo sifooyin aan sax ahayna u isticmaalay dhaqaalahii jaamacada, waxaana wararku intaa ku darayaan inuu cirka isku sii shareerayo khilaafkaasi u dhexeeya maamulka cusub iyo koox xulafo la ahayd ashkhaastii hore iskaga soo horjeeday Jaamacada Hargeysa.

Khilaafkan oo ah mid wali huursan ayaa hadii uu dibada usoo baxo waxa la fili karaa inuu mar kale saamayn xun ku yeesho habsami u socodka Jaamacada Hargeysa iyo Mustaqbalkeeda, maadaama oo uu tartan xoogani kala dhexeeyo Jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la saadaalin karin meesha uu iskugu Biyo shuban doono Khilaafka Jaamacadda Hargeysa, oo iyaddu hoy u noqotay muraannada soo noq-noqdaa, sidoo kale, waxa jiraa xoggo kaloo tibaaxaya inuu jiro Musuq ay Caadeysteen Madax-waaxeedada ka hawl galaa Jaamacadda Hargeysa. Gaar Ahaan Waaxda Maamulka lacagta.

Waxaan arrintan Haddii aan Talaabo Degdega Laga Qaadin Noqon Doontaa Mid Jaamacada Dhaxalsiisa Taariikh Madow,

Xigasho Shabakada Wararka Xogreeb News.

 

Hargeisa Gabiley News Netwok