Kulan casho sharafeeda oo ka dhacay Bariga London laguna soo dhaweynaayey qaar ka mid ah madaxdii la socday Madaxweyne Siilaanyo + SAWIRO.

Xoghayaha gaarkaa ee Madaxweyne Siilaanyo Mudane Cali Axmed Cali,Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arimaha Hay’adaha Caalamigaa iyo kuwa maxaligaa Mudane Cabdifataax Siciid Ahmed iyo Lataliyaha madaxwenaha ee Arimaha Saxaafada Khadar Cali Gaas.
Kulanka Casho sharaftaa oo uu soo agaasimeen aqoonyahanka iyo akhyaarta degan bariga magaaladda London ayaa ugu horeyn aad ugu mahadceliyey dhamaan dhalinyaradii iyo akhyaarta kazoo qayb galay kulanka casho sharaftaa ee lagu maam-muusaayey madaxda xukumadda Somaliland.
Kulanka oo ay kazoo qayb galeen aqoonyahano reer Somaliland ah oo ku nool London ayaa aad uga waramay xaaladda Somaliland,talooyina usoo jeediyey xukumadda ay ka tirsan yihiin, Waxayna ka wada hadleen sidii hore loogu marin lahaa Somaliland,Waxayna sheegeen in gacmaha la is qabsado oo meel looga soo jeesto wax kasta oo qadiyada Somaliland dhaawacaaya. Waxa ugu danbeyntii ka hadlay oo aad ugu mahad celiyey madaxdii kulanka lagu casuumay kuna booriyey muhiimadda qurba-jooga reer Somaliland ay ugu fadhiyaan Somaliland,waxayna kula dar-darmeen sidii ay wax uga qabansan lahaayeen dalkan ay joogaan iyo horumarka dalkiiba.
Ugu danbeyntii waxa kulanki kusoo dhamaaday guul waxaana aad loo kaftamaayey ugu danbeyntii.