Loolanka Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Oo Maraya Heer Wasiiro Xilal Hayaa Faraha Isula Tagaan.

Hargeisa(GNN):-Iyaddoo hal maalin uun laga joogo heshiiskii ay ku dhawaaqeen labaddii garab ee Damaca murashaxiinta jagadda Madaxweynaha ku loolamaysaa uu kala qaybiyay, isla markaanna ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xulufaddiisa oo dhinac ah iyo isbahaysiga ay hogaaminayaan Murashaxiinta kale, ayaa waxa wali jirta kala qaybsanaan u dhaxaysa Siyaasiyiinta labaddaas garab, kadib markii ay laba Wasiir isku faro-saarreen aarraah kala duwan oo salka ku haysa sida uu midkastaaba u arko qaabka loo marayo qabsoomida shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, taasoo uu mid weliba uu aragtiisa ku salaynnaayo qaabka uu caashaqsan yahay iyo dariiqa uu u arko in Murashaxa uu wataa ku soo bixi karo.

Ma jirto

war rasmiya oo ammuurtaas si faah-faahsan daboolka uga qaaddaaya, isla markaaanna ma jiraan war ka soo baxay labadda Wasiir ee gacan ka hadalku dhex-maray, hase-yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com u sheegay in Wasiir-dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddaani oo ka tirsan garabka uu hogaamiyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), oo ka tirsan garabka Isbahaysiga Murashaxiinta ayaa sku faro-saarray intii lagu gudo-jirey Shirkii golaha Wasiirrada oo uu Guddoominaayay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo maanta lagu soo qaaday arrimo khuseeya Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE iyo Qoddobo kale oo aad u xaasaasiy

Si kastaba ahaatee waxa muuqata kala qaybsanaantii iyo garabaddii KULMIYE inaanay wali meesha ka bixin,iyadoo maalintii shalay isbahaysiga Saddexda murashax iyo garabka uu hogaamiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ay si wada-jira ah Warbaahinta u siiyeen War ay ku muujinayaan inay heshiiyeen oo si dimuqraadi ah-nna u tartami doonnaan, waxaannay loolankii adkaa ee maalmihii la soo dhaafay dhex-maray ay ku tilmaameen mid iska caadiya oo Xisbiga KULMIYE dhaqan u leeyahay,hase-yeeshee xaqiiqdu waxay tahay in gacan ka hdalka labada Wasiir iyo Shir goor dhawayd uun Madaxtooyadda ugu Soo dhammaaday Xubno Madax-dhaqmeed ah iyo Goosan ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee beesha Habar awal kaga jira Xisbigaas, kuwaasoo uu horkacaayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murashax u tartamaaya jagadda Madaxweynenimada Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa muuqda inaanay wax-ba ka jirin wixii ay bulshadda ku war-gelinayeen.