Maayarka Gabilay Oo La Dardaarmay Ciyaartoyga Gobolkiisa Ee Ka Qayb Gelaya Is Reebreebka Ka Socda Boorama

Boorama(GNN)Kooxaha xulka gobolada Galbeedka Somaliland ee ka qayb qaadanaya tartan ciyaareedka kubada cagta ee sanadlaha ah ayaa waxa maanta ay furitaankii kala qayb qaateen madaxda dalka ugu saraysa sida Madaxwayne xigeenka oo isagu si rasmi ah maanta tartankaasi uga furay garoonka Xaaji Dahir Stadium ee magaalada Borama.

Munaasibad kooban oo kusaabsanayd ciyaarahaasi ayaa kooxkasta waxaa horsocday oo dhiirigalinayay masuuliyiinta gobolka, kuwa degmada xildhibaano iyo hawlwadeeno kale oo taageero iyo dhiirigalin la garabtaagnaaa ciyaaryahanada gobolkooda .

Maayarka Degmada Gabilay Mud, Maxamed Amiin oo isagu horkacayay xulka Gobolaka Gabilay Waxana barbar socday Xildhibaan Cali Gabilay waxayna masuuliyiintani ciyaartoyga xulka Gabilay ay u muujiyeen sida ay u barbar taaganyihiin markii ay fagaaraha maanta marayeen.

Maayarka Deg Gabilay Mud Aamiin ayaa uga mahadceliaya dadwaynaha reer Boorama iyo Maamulaka Gobolaka Awdal iyo kan degmada Boorama sidii wanaagsanayd ee maalinimadii shaly ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Boorama Xulka Gobolka Gabilay,

Maayar Amiin ayaa la dardaarmay xulka uu masuulka ka yahay ayaa waxa uu yidhi

“maanta waxa inoo furmay ciyaarihii gobolada somaliland waxaana nasiib wanaag ah anagoo ku ciyaarayna degmadayadii labaad ee Boorama,mana aha Boorama degmo aad maanta marti ku tihiin waayo waa degmo aanu ood wadaagnahay oo gobolada kale dadka waanu iska xignaa sidaa darteed waxaanu idiinka rabnaa inaad soo bandhigtaan ciyaar wanaagsan oo aad guul ka soo hoysaan hadii ale idmo” ayuu yidhi Maayar Aamiin

Sidoo kale waxa isguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay xildhibaan Cali Gabilay waxa uu u duceeyay ciyaartoyda u safanaya gobolka Gabilay isaga oo u rajeeyay kuna booriyay in ay koobka iyagu qaadaan .

Xildhibaanka oo hadalkiisa wata ayaa ku dardaaray inamada kooxda Gabilay in ay ku dadaalaan aklaaqada iyo ciyaar wanaag.

Si kastaba ha ahaatee waxa maanta jawiwigu uu ahaa mid xamaasadaysan marka la eego masuuliyiinta xukuumada dhexe iyo kuwada dawladaha hoose ee goobtaasi iskugu yimiday oo aad loo dareemayay in ay la kala safnaayeen kooxaha.

Waxana laga dhursugayaa natiijooyinka tartan ciyaareedkan oo bilaw ah waxa uu ku dhamaan doono.

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE