Madal Ilyartu Is Qabatay oo Beelaha Ciidagale Ugu Muujinayeen Taageerada Musharax Muuse Biixi Oo Lagu Qabtay Magaalad.

Hargeisa(GNN) :- Munaasibad Si Heersare Ah Loosoo Agaasimay Oo Lagu Qabtay Hotel Ambbasador Ayaa Waxaa kasoo Qayb galay Salaadiin Cuqaal Waxgarad iyo aqoonyahanka beelaha ciidagale waxaana ay soo bandhigeen cududa taageerada ay u hayaan musharaxnimada mujaahid muuse biixi cabdi, Waxaasi Sidoo Kale Madashan Ka Hadlay Xubnaha ka Tirsan Golaha Dhexe Ee Beelaha Ciidagale Oo Warar Been Ah Hore U Tibaaxeen Inay Kasoo Horjeedaan Musharaxnimada Mujaahid Muuse Biixi Cabdi
Suldaanka Beelaha Ciidagale oo Khudbad Dheer Halkaasi kasoo jeediyey ayaa si faahfaahsan uga hadlay taageerada ay siinayaan haddii ay yihiin beelahan ciidagale m muuse biixi cabdi,
waxaana uu si adag ugu jawaabay suldaanka guud ee salaadiinta somaliland suldaan maxamed c/qaadir oo uu sheegay in hadalkii shalay suldaanka kasoo baxay yahay mid aan meel haysan isla markaan cida wax doorataa ay tahay beesha balse aaney ayhayn shaqsi ama cid gaara oo meel hadal katidhi, sidoo kale waxaa isagu na hadalo dhaxal gal ah kasoo jeediyey wasiirul Dawlaha wasaarada maaliyada somaliland mr cadaani oo si adag ugu jawaabay wararka been abuurka ah ee beesha laga sheegayo isla markaana sheegaya in beel ahaaan ay taageersan yihiin siyaasiyiin kale islamarkaan waxaa uu si cad u dul istaagay xubnaha golaha dhexe ee uga metela xisbiga kulmiye iyo tiradooda iyo cida ay taageerasan yihiin,
Kaftan iyo Sheekooyin Badan Kadib Waxaa Iyana Madasha Soo Istaagay Labaatan Xubnood Ka soojeeda Beeshan Qadosharafta U Sameysay Musharax Muuse Biixi Cabdi
Wax yar Kadib Daawo Sawirada Iyo Videoga Xafladan
Gabiley News network