“Madaxweyne Siilaanyo Iyo Beeshiisa Haddii Murashaxa Arab Ee Kijaandhe Idinka Dhaadhici Waayo….”Mujaahid Ooto

Hargaysa(GNN):-Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootoo), ayaa waxa uu tallo u-jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Qoyskiisa.

Ooto biixi Sidaa waxa uu ku sheegay Mujaahod Ooto-Bixii Qoraal Caawa soo saaray kaas oo u dhignaa sidan:

Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto), oo la hadlaya Madaxweyne Axmed-SIILAANYO waxa uu yidhi “Mujaahid Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO), waxaan kugula dar-daarmayaa, maadama ay soo dhowdahay doorashadii lagu dooranayey Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE dhexdiisa,… is-bahaysigeeni Qaaxo ee ARAB iyo Habar-jECLO, wuxuu ahaa mid taariikhiya oo ay ka markhaati furayaan Maxamed Kaahin Axmed, Aadan Saleebaan, Abokor Shaadh-yare, Rooble Timir, Cali-Xuunsho, Waraaba-Cadde, Abokor Cabdi-Xaalays. Hadaba Madaxweyne sidaad doontaan u fikira kadib intii aynu Xorriyada Somaliland ku dhawaaqnay 18 May1991-kii.

Abwaanka weyn oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Alle ha u naxariiste Abwaan Cabdi Iidaan Faarax ayaa Gabay uu tiriyay tuducyadiisa waxa ka mid ahaa:

Shalaan Sharad Kugu galay

Laaska Shacabkaase

Maantana inaan Kuu Shushubo

Oo Shifo u hooda.

Markay shaaxin ugu Heesayaan

Kama shidoodaan

Wuxuu badowgu Isha Alaah U yidhi

Sheeg Hadaad Garato”.

ARAB ahaan waxa noo murrashaxa Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe),oo ka mida aasaasayaashii Xisbiga KULMIYE, isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, hadduu idinka dagi-waayo (Habar-jeclo) idinka ayay idiin taala. Halkaas-na waxa ka imanaysa kala kicii Gurdumi, taasna waanu ku caafimaad qabnaa.”
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE