Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Oo Kulan La Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Maamulayaasha Dugsiyada Magaalada Hargaysa.

Hargaysa(GNN):-Masuuliyiinta Wasaaarada Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Somaliland ayaa kulan la qaatay Maamulayaasha dugsiyada ee Magaalada Hargaysa.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaarada deegaanka iyo horumarinta miyiga Somaliland waxa ujeedadiisu ku qotontay sidii ardayda dugsiyada ee magaalada hargaysa ay uga qayb-qaadan lahaayeen hirgalinta barnaamij lagu dhiraynayo magaalada hargaysa kaasi oo ay waddo wasaarada deegaanka iyo horumarinta miyiga Somaliland.

x

Kulankan waxa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta miyiga , Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Deegaanka, Guddoomiyaha Wasaarada Waxbarashada Aaga Bari ee gobolka Maroodi-jeex , Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaarada deegaanka iyo in ka badan soddon maamule oo ka socday dugsiga ee magaalada hargaysa.

Ugu horayn waxa ujeedada kulankan ka hadlay Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Mudane Cabdikariim Aadan Cumar waxaana uu sheegay in ujeedka barnaamijkani yahay sidii bulshada gaar ahaana ardayda dugsiyadu u beeri laahyeen in ka badan 80.000 oo geed oo loogu talo galay in lagu dhireeyo magaalooyinka hargaysa iyo Berbera.

Guddoomiyaha Wasaarada Waxbarashada ee aaga bari ee Gobolka Maroodijeex Ismaaciil Cali Faarax (Dhubato) oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa ka waramay faaidada ay dhirtu u leedahay nolosha aadamaha waxaana uu yidhi:-“waynu ognahay Faaidada dhirtu leedahay, ilaahay ayaaba qur,aanka inoogu sheegay mar aynu hadhsano, mar aynu isku qarxino, mar aynu weel ka dhigano waxyaabo badan oo faaido leh inoo leeyihiin balse kan maanta aynu ka beeraynaa waxa weeye kuu quruxda , magaaladeena qurxinayey , iskuuladeena qurxinayey carruurteenu wax ku baranayey aad iyo aad Ayaan ugu mahadnaqayaa Wasaaradan marwo shugri masuulka ka tahay iyo shaqaalaheeda kale anaguna balan waxa aanu ku qaadaynaa in aanu hawsha sidii aad noogu sheegteen u fulino”.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka Iyo Hormarinta Reer Miyiga Somaliland Mudane Maxamed Cilmi Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa geestiisa hoosta ka xariiqay in hadafka laga leeyahay mashruucan dhir beeristu uu yahay sidii jiilka soo kacaya loo bari lahaa qiimaha deegaanka waxaana uu yidhi:-
“Dhirtan aanu imika bixinayno afar anfacbaa laga helayaa cuntadii ayaa laga helayaa, Calafbaa laga helayaa, xaabadiibaa laga helayaa intaas oo aytam way ka soo qaadanayaa ardaydu hadhkiina waaba uu weheliyaa, ujeedka ka dambaysaana waa barashada aynu barayno jiilkeenan cusub in ay bartaan deegaanka”.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare) oo kulankaasi soo gabagabaysay ayaa sheegtay in ay ku rajo wey yihiin ka wasaarada ahaan in boqolkiiba toddobaatan ay taaba gal noqdaan dhirta loo qaybin doono ardayda dugsiyada ee magaalada hargaysa waxaana ay tidhi:-“Anigu waxa aan wakhta kasta idhaahdaa macalimiinta fadhiga Ayaan uga kacaa , maamulayaasha fadhiga Ayaan uga kacaa waayo waxa weeyaan waa gacanta kaliya bini-aadamka , waxa la yidhi saddex shayn weeyaan haddii aad doonayso hal maalin in aad wax beerto galay beer, haddii aad doonayso toban sanno wax beertana geed beer, haddii aad doonayso boqol sanno in aad wax beertana dad beer saddexdaas ayaa isku xiga , haddii aad doonayso in aad boqol sanno wax beerto dad baad beeraysaa dadkii aqoontii ayeynu u yeedhaynaa maantana idinka ayaa noo hormuud ah markaa waxa aynu doonaynaa maanta bi niya dadka wax barno oo geed beeraan”.

Qaar ka mid ah Maamulayaasha dugsiyada Magaalada hargaysa oo ay ka mid ahaayeen Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi Maamulaha Dugsiyada Al Jazeera , Fu,aad Cali Faarax Maamulaha Dusgiya Laanta Hawada, Faysa Sheekh Yuusuf Cali Maamulaha Dugsiga Hormuud Iyo Sheekh Maxamed Yuusuf Kaahin oo ah Maamulaha Dugsiyada Umul Qur’aan dhamaantoodba waxa ay balan-qaadeen in ay ardayda ku wacyigalin doonaan ka qayb-qaadata ololahan lagu dhiraynayo caasimada Somaliland ee hargaysa.

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE