“Maxkamada Dastuuriga ah Waxaan ugudbiyay Uu Gudoomiyaha Kulmiye Ku Magacaabay Xilka Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Oo Sharciyada Baalmarsan”Xasan Sheekh Muxumed

Gabiley(GNN)-Xasan Sheekh Muxumed Warsame oo ah Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye Gobolka Gabiley,ayaa sheegay in uu dacwad u gudbiyay Maxakamada Dastuuriga ah ee dalka Dacawadaas oo uu mudici kaga yahay islamarkaana, uu kaga dacwoonayo Magacaabista Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ku Magacaabay Amiin Muuse Xirsi in uu Noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley,Waxaanu ku sheegay in aanay sharciyada waafaqsaneyn.
Qoraal uu kaga hadlayo Qodobada xaaraantimaynaya in Xilkaasi loo Magacaabo Amiin Muuse Xirsi iyo Magacaabista Gudoomiyaha Kulmiye ku magacaabay waxa uu udhignaa sidan:.
KU: Maxkamada
Dastuuriga SL. OG: MADAXWEYNHA SOMALILAND
Anigoo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka gabiley waxaan halkan ku cadaynayaa
in sharciyada ay baalmarsan tahay magacaabista Muuse Biixi ku sameeyey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley
Waxaan u sheegayaa dhamaan xubnaha xisbiga ee heer qaran in fiiro loo yeesho tallaabooyinka gudoomiyaha eek u dhisan qof jeclaysiga ka hor imanaya dastuurka xisbiga kulmiye
hadii ay ka mid tahay isbadelkan inuu samayn karaa awoodihiisa gudoomiyanimo waa kan DASTUURKA XISBIGA :
Qodobka 24aad:Awooda Gudoomiyaha Xisbiga
B-Waa Gudoomiyaha Gudida Fulinta
T:wuxuu magacaabaa xoghayayaasha gudida fulinta lacag-hayaha iyo xisaabiyaha xisbiga
J-ISAGOO KA TILMAAN QAADANAYA GO,AANADA SHIRWEYNAHA,KUWA GOLAHA DHEXE IYO KUWA GUDDIDA FULINTA wuxuu jiheeyaa hawlaha xisbiga
x-wuxuu masuul ka yahay hantida xisbiga. . KH:wuxuu awood u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista shaqaalaha xarunta dhexe
Majirto in aan ku sifoobaya qodobka 31aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye
Qodobka 31aad:banaanaanshaha jagada golaha dhexe iyo buuxinteeda
1.jagada golaha dhexe waxay ku banaannaan kartaab B:Marka ay xubintu geeriyootay
T:Marka uu xubinta ku yimaado xanuun keenay inuu xilka gudan kari waayey
J:xubinta oo istiqaalad bixisa goluhuna ka ogolaado X:ay xubintu xabsi u gasho xukun ciqaabeed kama danbays ah oo maxkamad awood u lihi ku riday
Guddmiye muuse waxa uu baal marsan yahay ujeedooyinka xisbiga ee ku qeexan qodobka 5aad
qodobka 5aad:Ujeedooyinka xisbiga faqrada: 3aad oo ah sameyta mujtamaca ku dhisan sinaan,cadaalad.wadatashi
Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa in ay guurtidu tahay Sharciyada ugu saraysa dalka oo muddo kordhin u smayasay xukuumadan
waxaanay soo afjartay markii murankii muuse waxaana golaha guurtidu ansixyey xubnaha golaha dhexe ee sharciga ah.

wax awood ah oo uu wax kaga badalo go,aanka golaha guuritada malaha muuse biixi .
Alaa mahad leh
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gobolka Gabiley
Xasan SH.Muxumed warsame
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE