Maydadka Dad Muhaajiriin Ah Oo Lagu Arkay Biyaha Dushooda Iyo Doonyo Ilaa Hadda Raadco Loogu Jiro

Tripoli(GNN):- Iyadoo Maalinba Maalinta Ka Danbaysa Ay Sii Badanayaan Qulqulka Dadka Muhaajiriinta Ah Ee Ka Gudbaya Badweynta  Ayaa Maalmihii U Danbeeyey Waxaa Si Isdabajooga Usoo Kordhayey Doonyaha Macmalka Ah Ee Ay Ku Haligmayaan Dadka Muhaajiriinta Ah Ee u Boqoolaya Wadamada Eruop,
Qul-qulka Tahriibka iyo dadka magan-galiyo doonka ah ayaa inta badan ku leeda badaha u dhaxeeya liibiya iyo talyaaniga oo intooda badani ay racaan doonyo baca ah oo ay ku biimeeyaan Nafahooda.

Dadka Inta ka bad-baada bada iyo saxaraha waxa laga soo tabiyaa inaanay Mooraal Fiican ku haysan,Balse Doonyo badan oo Toddobaadkan ka Shiraacday Liibiya ayaan Lahayn,Halka Qaarkooda Lasoo sheegayo in Ay Doonto La Gadoontay.

Maydad tiro badan ayaa laga sheegayaa in ay bada dul-sabaynayaan,Hasa Yeshee Wararka Hordhac Ah eek a soo baxaya liibiyaa ayaa sheegay inaan Laga war hayn Doonyo Badan.

Wararka imnaya dalka Libiya ayaa sheegaya in la helay meydka sagaal iyo labaatan qof oo ku soo caariyey xeebta Magaalada

Zilten ee bari kaga began caasimada Tripoli .

Dadka dhintay ayaa la aaminsanyahay inay ahyeen Tahriibyaal Afrikaan ah oo rabay inay Yurub galaan.Xeebaha Libiya ayaa ay ka shiraacdaan inta badan doonyaha Tahriibayasha raba inay gaadhaan xeebaha talyaaniga .
Wararkaasi Oo Faahfaahsan Ka dheeho